Marka la leeyahay reer hebel ayaa xukunka haysta, waxa macnaheedu noqonaysaa in xukunku qabiil yahay oo madaxda xukuumaddaasi ka soo jeeddaa ay kala karaamo badan yihiin. Tusaale ahaan wasiirrada ay madaxweynaha is xigaan yihiin kuwa ugu tunka weyn ee ka awoodda badan wasiirrada kale. Halka Wasiirrada ee aanay Madaxweynaha isku haybta ahayni u eg yihiin ammaba yihiin kuwo soo shaqo tagey, oo cabsi iyo goormaa lagaa qaadi kursiga uun ka fekera.
Haddii aan yara faallayno xukuumadaha soo maray Somaliland ee aan is leenahay waxa ay ku suntan yihiin qabiil ayaan tusaale u soo qaadan karraa xukuumaddii Ahmed Siilaanyo oo aan odhan karro waxa ay ahayd mid qabyaaladdu halakaysay, sida sooyaalka ku dhiganna waxa mar walba la hadal hayey Madaxda HJ amma ay Madaxweynaha isku haybta yihiin iyo kuwa ay bahwadaagta yihiin amma sida indha la’aanta ah ugu adeega. Gaar ahaan kuwii madaxtooyada soo maray amma wasiirrada shil shilis ee ay ku adeegan jireen. Lama dafiri karo in ay qaarkood ahaayeen rag kar-kar ah sida Xirsi, laakiin xukunkaasi waxa uu ku suntanaa qabiil iyo boobka hantida qaranka.
Dhinaca kale xukunkii Ahmed Siilaanyo uma ekayn mid diktaatoori ah, waxana uu adeegsan jiray siyaasad qabow iyo dhaqaale uu ku furdaamiyo xaaladaha kolba soo wajaha. Xukunkuse waxa uu u xidhnaa beelo gaar ah. Beela gaar ahna waa uu fogaynayey.
Xukuumaddii Rayaale ayaa iyadu ka fogayd qabiil iyo diktaytar, waxa ay xukuumaddaasi u egeyd mid loo siman yahay. Waxase jiray wasiirro uu Rayaale si gaar ah u dhawri jiray oo wakhtigaa ku kacay boob qaran.
Xukuumaddan Muse Bixi ayaa iyadu illaa immiga u eg mid samayskeedu u muuqdo hab-beeleed, habkaasi oo ay ka dhaxashay xukuumaddii hore iyo diktaytarnimo ay ku dhaqmaan maamulayayaashooda qaad. Balse aan ka imanayn dhinaca madaxweynaha. Ta qabiilka waxa lagu caddayn karaa, sida saami qaybsiga iyo dagaannadu uga dhex muuqdaan xukuumadda Muse Bixi. Inkasta oo uu Ahmed Siilaanyo ku dhaamo dhica hadalhaynta wasiirrada reerka amma aan illaa immiga la arkayn wasiirro ay madaxweynaha isku reer yihiin oo la hadal hayo.
Awoodda dawladda Muse Bixi waxa inta badan lagu sheegaa in ay isaga ku urursan tahay. Sida aan sheegnayna aanu jirin wasiir keliya oo awood gaar ah leh, sidii aan hore uga soo aragnay xukuumaddii Siilaanyo. Inkasta oo wakhtiga uu xukunka hayey ay yar tahay, wax badanina ay is beddeli doonaan.
Xukuumadda oo reer loo badiyaa waxa ay faa’iido u leedahay reerka loo badiyey, oo heli kara shaqaale badan, dhaqaale badan iyo karaamo badan. Halka beelaha laga qadiyey xukuumaddu ay bannaanka ka taagan tahay dhaqaale, shaqo iyo fursadaha dawladda laga helo.
U halgan in aad dadka la sinnaatid amma aad caddaalad hesho.
Awdalpress.com





