Awdalpress – London – Xarunta kumeel gaadhka ah ee Baarlamanka Somaliyeed ayaa waxa xilligan ( Live ) uga socda doorashadii loo codaynayey qofkii noqon lahaa guddoomiyaha baddalaya Jawaari.
Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah: Sababta ay doorashadani uga geddisan tahay doorashooyinkii hore iyo arrimo kale.
Haddaba inta aynaan daawan sida ay doorashadu u dhacayso, bal aan in yar is dul taagno sababta keentay in aad loo xiiseeyo.
Wakhtigii Jawaari uu guddoomiyaha ka ahaa golahan waxa miisaan sare yeeshay go’aannada golaha. Cabsi badanna waxa uu geliyey hoggaanka fulinta ee dawladda Federaalka ah. Kadib markii ay madaxda ugu sarrayasa dawladda iyo Jawaari is qabteenna waxa kursigii banneeyey Jawaari, halkaana waxa ay guushii ku raacday ra’iisal Wasaare Khayre oo loo tirinayey ninka ay is hayaan Jawaari.
Haddii aanay sidaasi dhacdeen, oo Jawaari sii joogi lahaa kursiga, waxa la saadaaliyey in laga takhallusi doono xukuumadda Khayre amma Madaxweyne Farmaajo midkood.
Si kastaba arrini ha noqotee, waxa immiga muuqata in awoodda ugu sarraysa Baarlamanka oo guddoomiyuhu ka kaw yahay, ay kala jiidanayaan xubna baarlamanka mucaaridka ah iyo kuwa muxaafidka ah. Sidoo kale waxa la sheegayaa in dawlado shisheeye ay iyaguna gacanta kula jiraan isbeddelka maanta la filayo.
War jiraabase cakaaro ayuu iman ayey Somalidu ku maah maahdaa.
Awdalpress





