Awdalpress – London – Doorasho ay baarlamka Somalia qarsoodi ugu codaynayeen tartamayaasha isku soo taagay guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu kala calaf qaaday, kadib markii laba wareeg ay socotay codayntu. Waxana doorashada isku soo taagay 10 xildhibaan oo u tartamayey kursiga ugu sarreeya Baarlamanka, laakiin markii ugu danbeysey waxa isku soo hadhay labada xildhibaan ee kala ah Mudane Mursal iyo Mudane Yariisow.
Gaba gabadiina markii la tiriyey codadkii sanaaduuqda labada ah ku jiray ku guulasytay Xildhibaan Mohamed Mursal Sh. Abdirahman oo hore u soo qabtay wasiirnimo iyo safiir.
Awdalpress




