Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

ODAYADA REER NUUR: Dhulkayaga cidina ma qaadan karto xukuumadda Somalilandna dad kale kuma maalgelin karto.

$
0
0

Awdalpress – London – Arrimaha banka Wajaale oo xasaasi ah ayaa waxa si adag uga hadlay odayaal u dhashay degaankaasi, waxana ay shaki ka muujiyeen in arrinta afar madaxweyne oo hore u soo maray Somaliland ay faraha la geli waayeen iyaga oo dhawraya nabad ku wada noolaashaha shacabka, in immiga la arkay cagafyo la gelinayo dhulkayagii, cidda wadda arrintaana waxa ay uga shaki qabaan wasaaradda beeraha amma madaxda sare ee Somaliland.

Madaxda wasaaradda beeraha Somaliland iyo taliyaha ciidammada Somaliland Janaral Nux ayaa dhawaan booqday banka Wajaale ee 70ka sano muranku ka taagan yahay. Kadibna waxa la arkay cagafyo la doonayo in lagu qodo beero la sheegay in ay lahaayeen beeraley ka soo jeedda degaanka Magaala Cad.

Haddaba arrintaasi oo xasaasi ah ayaa waxa maanta ka hadlay odayaal miisaan ku leh degaanka, oo ka digay in la dul furo hawl dhiig uu hore ugu daatay, maantana ay faragelintaasi u arkaan in dhiig kale la daadinayo, xukuumaddana waxa ay uga digayaan in ay degaanka ku soo kordhiso mashaqo hor leh.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images