Awdalpress – London – Madaxweynaha Kenya oo la hadlayey golayaashiisa dawladda Kenya ayaa ka dhawaajey in ay jiraan kooxo u adeega shisheeye oo dhib ku haya dib u soo celinta dawladnimada Somalia. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay jiraan dawlado iyaguna fara gelin weyn ku haya Somalia isla markaana kala qaybinaya shacabka Somaliyeed. Ujeedkuna uu yahay sidii loo wiiqi lahaa dawladnimada Somalia ee la raadinayo.
Hadallada madaxda dawladaha geeska afkriki ay xilligan ku hadlayaan ayaa ah mid ku cusub saaxadda siyaasadda. Waxana dhawaan sidan oo kale uga hadlayey madaxweynaha Uganda Musafeni, Madaxweynaha Sudan, Madaxweynaha Djabouti iyo ra’iisal Wasaaraha dalka Ethopia ee dhawaan la doortay.
Xukuumadda dawladda Farmaajo ayaa iyaduna culayska saartay sidii beesha caalamku u sixi lahaayeen, hannaanka wada shaqayneed ee Somalia. Waxana ay dagaal adag ka gashay in ay caalamka ka dhaadhiciso in ay Somaliya leedahay dawlad keliya, balse aanu dalku lahayn dawlado badan. Sidaasi daraaddeedna ay habboon tahay in wixii dalka iyo dadka khuseeya ay iyadu ka mas’uul tahay.
Laakiin waxa weli qaab madax bannaan u dhaqmaya maamul goboleedyada, oo u haysta in ay la siman yihiin dawladda dhexe. Taasi oo keentay in ay shirar iyo heshiisyo la yeeshaan dawladaha dariska ah amma kuwa caalamka. Hab dhaqanka noocan ah oo ay ku indho-barraqsadeen amma maamulladoodu la kowsadeen ayaa weli ay ku adag sidii ay rumaysan lahaayeen jiritaanka dawladda dhexe iyo in ay awoodda dawladnimada Somaliyeed ay iyagu matilaan.
Shuruucda caalamka iyo habka ay dawladuhu u wada shaqeeyaan oo waafaqsan midda immiga ay dawladda Farmaajo doonayso in ay ku dhaqanto, ayaa waxa soo dhaweeyey dawladaha gobolka geeska, dawladaha caalamka, OAU, Jaamacadda Carabta, EU iyo United Nations ka, oo aanay ku jirin kuwa danahoodu ahaa in ay dalka iyo dadka kala qaybiyaan.
Awdalpress





