Awdalpress – London – Madaxda Somaliland ee uu hor kacayo M/xigeenka Somaliland Zaylici iyo wafdiga la socda ee uu ka mid yahay Jananka Ciidanka Somaliland Nuux Taani oo u dhashay degaankaasi la isku haysto, ayaa dhawaan cagafyo badan geliyey dhulka laga raray dadkii lahaa. Waxana ay xubnaha wafdigu sheegeen in la fulinayo ballan qaadkii Madaxweyne Muse Bixi ee ahaa kordhinta wax soo saarka. Laakiin dadka degaanku ay u arkaan in ujeeddadu tahay in la xalaalaysto dhul dadkii lahaa loo diiday in ay qotaan.
Markii ay arrintani dhacday ayaa odayada degaanka hoggaanka u ahi ay si adag uga hadleen. Kadibna, sida ilo xog ogaal ahi sheegayaan, waxa shir lagu galay magaalada Dilla. Shirkaasi oo ay wasiirro xukuumadda Muse Bixi ka mid ahi ay qayb ka ahayd. Laakiin la sheegay in shirkaasi uu iska ahaa uun sasabe iyo siyaasad kale. Balse weli hawshii mashuuraca Wajaale ay halkii ka socoto.
Dhinaca kale waxa dadka siyaasadda Somaliland aadka u yaqaannaa tibaaxayaan, in marka hawsha noocan ah ay xukuumaddu ku jeedinayso indhaha ummadda, ay jiraan arrimo kale oo daaha dabadiisa laga wado. Sida mashaariic maal gashi amma kuwo horumarineed oo la qaybsanayo.
Wasaaradda Beeraha oo la rabo in ay hawlo horumarineed bilowdana, waxa looga fadhiyaa in ay degaannada qodaalka ah sida degmooyinka Wajaale, Idhan, Dilla, Baki iyo Boon ay qorshaha ugu darto saamiga CAGAFYADA, MISHIINNADA BIYAHA SOO SAARA iyo lacagta la siinayo beeraleyda ee loogu tala galay dhiirri gelinta amma kaabista. Taasi ayaana wax weyn ka tari kartka sidii wax soo saarka loo kordhin lahaa.
Awdalpress






