Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo raalli gelin iyo faah faahin ka bixiyey aflagaada lagu shaabadeeyey in uu saxaafadda mariyey.

$
0
0

Awdalparess – London – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yusuf Mohamed Abdi Raage oo runtii ah shakhsi akhlaaq badan, isla markaana wararka laga sheegay ay yihiin kuwo borobogaanda ah oo la sameeyey, ayaa si waadaxa u bayaamiyey sida ay arrintu ahayd. Sidoo kale waxa uu raalli gelin  siiyey shacabka ay dacaawayaddaasi ama aflagaadadaasi ku socotay, oo uu sheegay in aanay cayda noocan ahi qaban.

 

Dhawaan bay ahayd mar oday dhaqameedyada iyo wax garadka reer Sool iyo Sanaag ay qoonsadeen hadallo la mariyey saxaafadda oo la sheegay in uu Wasiirka Maaliyadda Somaliland uu u badheedhay. Waxa kale oo ka horreeyey guddoomiyaha UCID Eng. Faysal oo isna si qaawan shacabkaa ugu shaabadeeyey in aanay cashuurta bixin iyo hadallo kale.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay saxaafadda awdalpress.com iyana soo ogaatay in aanu Wasiirka Maaliyaddu marnaba shacabka reer Sool iyo Sanaag ku odhan hadalka laga sheegay. Balse hadalka laga duubay uu ahaa hadal kab-kab ah oo meelo kale khuseeyey, waxa uu ka hadlayeyna aanay ahayba shacabka Somaliland dega.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images