Awdalpress – London – Naciima Qorane oo ay dhawaan maxkamadda ugu sarraysa Somaliland ku xukuntay saddex sano oo xadhig adag ah, ayaa maanta madaxweyne Muse Bixi amray in la sii daayo, oo xorriyaddeedii loo soo cesho.
Awoodda intaa le’eg ee uu Madaxweynaha Somaliland ku sii daayey shakhsi ay maxkamadda dalku xukuntay ayaa ah awood aanay lahayn dalalka horumaray, tusaale ahaan ra’iisal wasaaraha Ingiriiska amma boqoradda Ingiriisku awood uma laha in ay cafis u fidiyaan muwaaddin ay maxkamadi xukuntay, waxana sharcigoodu dhigayaa in awoodda ugu sarraysaa ay tahay maxkamadda…..qof sharciga ka sarreeyaana aanu jirin.
Sidaasi daraaddeed miyaanay habboonayn in sharciga Somaliland dib loogu noqdo, oo wax laga beddelo sharciga ay maxkamaddu dadka isaga xidh xidhidhayso, kadibna uu Madaxweynuhu ka daba tagayo amma xadhiggii uu ka baabi’inayo shakhsigii la xidhay.
Awdalpress





