Awdalpress – London – Nin ayaa lagu dilay faas, laba kalena waxaa la dhaawacay xaafadda Woolwich ee Koofurta Barri ee London. Dowladda Britain ayaa ku sheegtay weerarkaas mid agagixiso.
Ra’iisal wasaaraha Britian ayaa la sheegay inuu dalka dib ugu soo laabtay si uu u gudoomiyo shir deg deg ah oo laga yeelanayo arrimaha amaanka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa safar ku joogay dalka Faransiiska, waxuuna sheegay isaga oo shir jaraa’iid la qabtay madaxweynaha Faransiiska, inay tahay in cid walba ay cambaareyso weerarkaa.
Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron ayaa weerarkaa ku sheegay in uu yahay mid naxdin leh.
Filim ayaa la helay muujinaya in mid ka mid ah ragga weeraka qaaday oo midi sita oo ku qeylinaya erayo islaami ah.
Raggan ayaan goobta ka cararin waxayna dadkii halkaasi ku sugnaa u sheegeen in falkan uu yahay mid ay ugu aargudayaan Muslimiinta ay xasuuqeen reer Galbeedka.
Booliiska oo goobtaasi soo gaaray 20 daqiiqo kadib ayaa toogtay labada nin oo ay dhaawacyo soo gaareen Labada nin ayaa la sheegay inay booliiska aysan ka cararin iyagoo isku day inay xitaa Booliiska weeraraan taasina waxay keentay in rasaas lagu furo. Mid kamid ah raggan ayaa dhaawaciisa culus yahay.
Dilkan waxaa geystay labo nin oo madow oo la sheegay inay muslimiin yihiin kana soo jeedaan dalka Nigeria, waxaana ninka la dilay uu ka mid ahaa Askari Militari ah oo ku sii jeeday xarunta Militariga ku leeyihiin xaafadaasi.
Waxaa la yaab noqotay nimanka dilka geystay oo ku hubeysnaa faasas iyo mindiyo ay shacabkii halkaasi taagnaa u sheegeen in dagaalkan uu yahay mid u dhaxeeya Gaalada iyo Islaamka, waxayna ku dhawaaqeen cidii qof disha inay ka aargudanayaan
Awdalpress.com