Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Labaatan qof oo Kenya ku dhimatay markii uu soo butaacay biyo xidheen ku yaalla dalkaasi.

$
0
0
Boqolaal qof ayaa ku guryahooda ka barakacay kaddib markii uu ku fatahay biyo xireen karkaarada jabasaday dalka Kenya.Boqolaal qof ayaa ku guryahooda ka barakacay kaddib markii uu ku fatahay biyo xireen karkaarada jabasaday dalka Kenya.

 

 

Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa sheegay in biyo xireen uu karkaarka jabsaday xalay kaddib markii roobab xoog leh ay halkaasi ka da’een islamarkaana sababay dhimashada ugu yaraan 20 qof.

Goobtu uu biyo xireenka dhibaatada u gaystay ayaa ku yaalla degaanka Solai oo 120 kilomitar kaga beegan waqooy galbeed magaalada Nairobi.

Ha’aydda Laanqayrta Cas ee Kenya waxay sheegtay inay soo badbaadisay ilaa iyo 40 qof.

In ka badan 2000 oo qof ayaa ka qaxday guryahooda.

Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaasi ka badato iyadoo ay socdaan howlaha gurmadka ee lagu samatabixinayo dadka ay fataahadaha saameeyeen.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa daabulaya dadka ku dhex go'adoonsan biyaha
Lahaanshaha Gawaadhida gurmadka deg deg ah ayaa daabulaya dadka ku dhex go’adoonsan biyaha

 

Hoowlaha samato-bixinta ayaa ka socota deegaanka dhibaatada ka taagan tahay.Lahaanshaha Hawlaha gurmadka ee deegaanka iyo dhibaatada ka taagan tahay.

 

 

Hay’adda Laanqayrta Cas waxay sheegtay in 39 qof loo qaaday isbitaalka Nakuru kaddib markii ay saameeyeen xaafadaha ka ag dhaw biyo xireenka jabsaday.

 

Roobabka ka da’yay Kenya tan iyo billowgii sanadkan waxaa ku dhintay illa 152 qof. soda ay sheegtay dowladda Kenya.

 

Xuquuqda BBC

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images