Awdalpress – London – Degaanka Ceel Afweyn ee ku yaalla gobolka ugu weyn Somaliland ee Sanaag ayaa waxa isku awood iyo xoog sheegtay labada beelood ee ka soo kala jeeda Habar Jeclo iyo Habar Yonis, oo ka mid ah beelaha gobolkaasi wada dega. Waxana degaankaasi laga soo sheegayaa colaad aad u daran, oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo u badan hub fudud.
Maaha markii ugu horreysey ee beelahaasi uu dagaal ka dhex qarxo. Colaaddooduna waa mid soo noq noqnaysa. Dawladda Somaliland oo hore isugu dayday in ay xal ka dhex samaysayna waa ay ku guul darraysatay, weliba eedo ayaa ka soo gaadhay, oo waxa lagu eedeeyey in ay labada beelood mid hubaysay.
Si kastaba arrini ha u dhacdee waxa maanta war ugu danbeeyey:
Dagaallo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, ayaa maanta ka dhacay deegaanno hoos yimaadda gobolka Sanaag.
Dagaalladan oo meelo kala duwan ka dhacay ayaa dhex maray beelo deegaankaasi wada dega.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.
Xuquuqda VOA
Awdalpress







