Awdalpress – London – Kulammo gooni gooni ah oo ay dhawaanahanba madaxda Kenya, Ethopia iyo Djabouti ku kulmayeen Nairobi ayaa waxa maanta isna booqasho rasmi ah dalkaasi Kenya ku tegey Madaxweyne Ismail Omer Geelle. Laba casho oo ka horreyseyna waxa booqasho rasmi ah ku tegey dalkaasi Ra’isal Wasaaraha Ethopia Dr. Abiy Ahmed.
Ujeedka booqashooyinkan ayaa la sheegayaa in ay tahay mid lagaga wada hadlayo ammaanka gobolka, la dagaallanka argagixisada oo kor loo qaado, taageerada dawladda dhexe ee Somalia, ganacsiga amma dhaqaalaha gobolka sidii loo xoojin lahaa iyo wax ay ugu yeedheen fara-gelinta dawladaha shisheeye oo laga gaashaanto. Sida lagu soo warramayana waxa farta lagu fiiqay dawlado ay ku sheegeen in ay lacago ku walaaqayaan Somalia, iyaga oo adeegsanaya shaqsiyaad Somali ah oo qas wada yaal ah. Laakiin dawlad gaar ah oo ay magaceeda soo qaadeen ma jirto.
Awdalpress





