Awdalpress – London – 14 May 2018 – Shirweynihii 12aad ee qowmiyadda Somalida Ethopia oo baryahanba ka socday magaalada Awbare ayaa maanta la soo gaba gabeeyey. Shirkan oo ay isugu yimaaddeen 3000 oo ergo, kana kala socday degmooyinka iyo gobollada degaanka Somalida ayaa, si milga leh oo agaasimay.
Muddadii saddexda casho ahayd ee uu shirku socdayna, waxa madashii shirka la isku weydaarsaday warbixinno, talooyin iyo ballan qaadyo la kala galay oo intuba isugu soo biyo shubatay sidii loo horumarin lahaa bulsha weynta degaanka Somalida Ethopia, isla markaana midnimada loo xoojin lahaa.
Madaxweynaha degaanka Somalida Mudane Abdi Mahamoud Omer ayaa si aan nasasha lahayn u guddoominayey shirkaasi, sida uu weriyaha shabakadda awdalpress.com noogu soo warramayo, waxa shirkaasi ahaa mid baal dahab ah ka galay taariikhda degaannada Somalida gaar ahaan degmada Awbare iyo nawaaxigeeda.
Shacabka magaalooyinka Lafa-Ciise, Sheed-dheer iyo inta u dhaxaysa ayaa qayb libaax ka qaatay soo dhaweynta ergooyinka iyo hab maamuuska shirkaasi.
Gaba gabadii waxa la guddoonsaday in mashaariicda horumarinta iyo adeegga aasaasiga xoogga la saaro, degmooyinka Awbare iyo Dharwanaajana la siiyo wixii ay xaqa u lahaayeen haddii ay noqon lahayd maamul daadajinta iyo mashaariicda horumarinta.
Xasuusin: La socda warbixin dheer oo aan ku soo bandhigi doonno shirka iyo sidii uu u dhacay.
Awdalpress




