Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dagaal culus oo ka dhex socda ciidammada Somaliland iyo kuwa Puntland.

$
0
0

Awdalpress – London –  Sida wararka ka imanaya jiidda Tukarraq ay awdalpress.com ku soo gaadhayaan, waxa degaankaasi ka qarxay dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala geddisan ayaa illaa shalay ka dhex socda ciidammada Somaliland iyo kuwa Puntland ee isku hor fadhiyey tuulada Tukarraq iyo aagagga ku dhaw, shacabka degaanka ayaa billaabay in ay ka qaxaan goobaha dagaalku ka holcayo.

 

Dagaalkan ayaa beesha caalamku u aragtaa mid aan loo baahnayn, ergeyga QM u qaabilsan Somaliya Michael Keating oo  dhawaan booqasho arrintaa la xidhiidha ku tegey Puntland iyo Somaliland, ayaa labada dhinac kala hadlay in xiisadda dagaalka lagu dhammeeyo wada hadal.

 

Laakiin baaqaasi nabadeed ee  Mr. Keating dhag looma dhigin, booqashadii kadibna waxa bilowday dagaal marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images