Awdalpress – London – Duufaanta loo bixiyey SAGAR oo dabaylo iyo roob baraf leh isla markaana aad u quwad weynaa ayaa muddo laba casho oo xidhiidh ah ka da’ayey gobollada galbeedka Somaliland gaar ahaan Awdal iyo Salal.
Khasaaraha dhimaso iyo daranyo ee dad iyo xoolo soo gaadhay ayaan illaa immiga laga war hayn, degmooyinka Baki, Lughaya iyo Zaylac oo ugu daran ayaana weli kala xidhan, oo aan wax war ah laga hayn. Laakiin sida wariyaha VOA Haashim Sh. Omer Goth oo khadka telefonka ku helay mas’uuliyiin iyo odayaal joogay degmada Baki ayaa warkan siiyey:
Sidoo kale waxa maanta xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi ka soo baxday wareegto lagaga warramayo inta uu khasaaruhu le’eg yahay, waxa isna innooga warramaya wariyaha Hargeysa u fadhiya VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.
Awdalpress




