Awdalpress – London – Masiibada ku habsatay gobollada galbeedka Somaliland ee ay duufaannadu ku dhufteen, ayaa noqotay mid aad u saamaysay gobolka Awdal iyo dhul xeebeedka gobollada galbeedka. Laakiin nasiib darro xukuumadda Muuse Bixi ayaan weli si waafiya uga hadlin amma xitaa aan tacsiyadayn ehelooyinkii dadkooda ku waayey.
Hase yeeshee, waxa xil weyn oo aan caadi ahayn isa saaray M/xigeenka Somaliland mudane Zaylici oo isagu ka soo jeeda gobollada galbeedka. Sida la sheegayana waxa uu ka calool xumaaday sida looga gaabiyey amma aan loo danaynayn dhibtaasi dadka gaadhay. Kadibna waxa uu si toos ah ula xidhiidhay Madaxweynaha Djabouti oo uu ka dalbaday gaadiidkii lagu gaadhi lahaa dhulka ay masiibadu ka dhacday oo intooda badan dhulku kala xidhan yahay. Madaxweyne Geelleana waxa uu dalabka M/xigeenka kaga jawaabay in uu diyaarad u soo diro.
Mudane Zaylici ayaan weli ka nasan in uu dadkiisa taakuleeyo, waxa kale oo uu u helay deeq uga timid Emeriteska oo ah laba diyaaradood oo kuwa waaweyn ee qummaatiga u kaca ah, oo siday raashin, daawooyin iyo bacaha guryaha laga dhigto.
Dhinaca kale waxa iyaguna kulan deg deg ah isugu yimid magaalada Borama oday dhaqameedyada iyo wax garad isugu jira rag iyo dumar dhammaantood diyaar u ah sidii loo caawin lahaa dadkaasi tabaalaysan. Waxana ay ka gaabsadeen in ay dhalliil amma dalab mucaawino kala hadlaan xukuumadda Muse Bixi. Xaalkooduna waxa uu isugu soo ururay reernimo.
Awdalpress




