Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dagaal ka socda Tukaraq iyo meelo u dhaw dhaw oo saaka bilowday ayaa weli socda.

$
0
0

Awdalpress – London – Wararka maanta kasoo baxaya deegaanka Tuka-raq ee lagu muransan yahay ayaa sheegaya in dagaal uu dib uga qarxay halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidammada Somaliland iyo ciidammada Puntland.

Illaa hadda dhinacna muu shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq. Waxase la yiqaasiyaa in uu khasaare aad u weyni ka dhashay, maaddaamma uu ahaa dagaal aad uga baaxad weyn dagaalladii hore.

 

 

Taliyaha guud ee ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa BBC-da u sheegay in dagaal u dhexeeyo ciidammada Somaliland iyo Kuwa Puntland uu subaxnimadii saaka ku dhexmaray aagga qolaba qolada kale ka sheeganayso ee Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool.

 

Taliyaha ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland inay weerar ku soo qaadeen saldhigyada ay ciidankoodu halkaas ku lahaayeen xilli ay difaac ku jireen.

 

Dhanka kale, war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidammada Somaliland ay aroornimadii saaka dagaal ku qaadeen ciidanka Puntland ee joogay Tuka-raq islamarkaaasna mas’uuliyadda weerarkaasi ay dusha u ridanayso Somaliland.

 

 

Maamul goboleedka Puntland ee Somalia ayaa sidoo kale sheegtay in duullaan uu uga imaanayo dhanka Hargeysa balse ay iska difacaayaan, waa sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

 

Dagaalka Tuka-raq ayaa indhawaalaba socday, labada dhinacna midba midka kale uu ku eedeynayey dagaalka.

 

Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo lagu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka macno darrida ah ee ka dhex socda labada maamul.

 

Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images