Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wararkii ugu danbeeyey oo ku saabsan dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Mas’uuliyiinta Puntland ayaa guulo ka sheeganaya dagaalka saaka ka qarxay jiidahii la isku hor fadhiyey. Hadallada ka soo yeedhaya Abdiweli iyo xukuumaddiisana waxa ka muuqata cadho aad u daran. Tusaale ahaan hadallada Abdiweli ee uu leeyahay MAANTA FADWO UMA BAAHNI….waa cadho karkaarrada jabisay.

 

 

Somalilandna wasiirka warfaafinta oo u hadlay dhinacooda, ayaa sheegay in ay Somalia oo dagaal ku soo qaadday Somaliland ay dhirbaaxo xun kala kulantay.

Maamulka Puntland ayaa isna maanta war deg deg ah ka soo saaray dagaalka culus oo subaxnimadii hore ee saakay ku dhaxmaray deegaanka Tuka-Raq ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland.

Puntland ayaa sheegtay in mas’uuliyada dagaalkaas ay qaadeyso Somaliland, islamarkaana Puntland ay difaaceyso dhulkeeda iyo dadkeeda.

Dhinaca kale waxa saxaafadda xorta ahi soo bandhigaysaa dad isugu jira dhaawac iyo dhimasho oo tiradooda lagu sheegay 35, kuwaasi lagu sheegay tahriibayaal Ethopian gaadhi kula qallibmay jiidaha Sool dhammaantoodna la geeyey magaalada Laascaanood. Hase yeeshee waxa dad badani u tarjumeen in dadka dhaawaca ah laga keenay jiidaha dagaalka.

 

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images