Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dagaal hor leh oo laga cabsi qabo in uu mar kale ka qarxo tuulada Tuka-raq ee gobolka Sool.

$
0
0

Awdalpress – London – Ciidammo xoojin ah ayaa maamul goboleedka Puntland ee Somalia uu ku soo gurayaa jiidda hore ee ay isku hor fadhiyaan ciidammada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Waxa nasiib darro ah in bisha Ramadan ay dagaallo ka dheceen Tuka-raq iyo nawaaxiga ku xeeran, immigana ay u dhawdahay in dagaal adag ay labada dhinac isaga hor yimaaddaan. Labada dhinac ayaa ciidammo xoog leh iyo hub ku soo guraya jiidda hore ee laga cabsi qabo in uu dagaal ka dhaco wakhti kasta. Dhinacyada dagaallamayaana waxa uu mid kastaa aamminsan yahay in uu isagu gar leeyahay. Laakiin waxa ku dhex baaba’ay dadka lagu dul dagaallamayo oo aan talo midaysan lahayn, una kala jaban labada dhinac.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images