Awdalpress – London – Mawduuca ay saxaafadda adduunku aadka uga hadlaysaa waa cidda maanta ka sii talisa Koriyada Woqooyi maaddaama uu Kim ka soo tegey, waxana farta lagu fiiqayey Janannada sagaashan jirka ah iyo gacan yarayaashii Kim oo aan iyagu la socon.
Dhinaca kale waxa laga hadlayey doorka ay Ruushka iyo China ku leeyihiin kulankan u gaarka ah Maraykanka iyo K/woqooyi, waxana muuqaalka maanta laga akhrisanayaa in quwaddii caalamku isugu soo ururtay dawaladda Maraykanka oo noqotay Police-ka caalamka.
Iran ayaa iyana laga fekerayaa in sidan oo kale uu Maraykanku wada xaajood ula yeesho xukoomaddooda, laakiin weli ma cadda.
Ujeeddada Donal Trump uu kulankan K/Woqooyi ugu faraxsan yahay ayaa iyana wax la iska weydiinayaa.
Ammaanka sugmi kara haddii uu heshiiskani hirgalo ee gacanka Koriya ayaa iyada aad u farax gelisay caalamka.
Awdalpress





