Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

IGAD oo shaqada ka eriday ‘Kornayl Gabre’, Waa maxay sababta loo eryey?

$
0
0

Awdalpress – London – Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eriday kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre.

Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

 

 

Warqaddaas waxaa BBC soo gaarsiiyey xubno ka tirsan IGAD oo dalbaday in aan magacooda la soo xigan.

 

 

Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa looga dalbaday jeneraal Gabre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo.

Isla qoraalka ayaa looga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale u xil saaraan sidii looga qaadi lahaa jeneraal gabre dukumentiga lagu safro ee IGAD, haddiiba hore loo siiyey.

Siiqada ay u qornayd warqadda xil-ka-qaadista ee jeneraal Gabre ayaa ahayd mid aad u adag oo aan inta badan la adeegsan marka la eryayo mas’uul sare.

Inkastoo aysan caddayn sababta shaqada looga eryey jeneraal Gabre, misna dadka wax indha-indheeya waxay u tirinayaan qodobbada soo socda inay ka dambeeyaan in xilka laga qaado.

1- Jeneral Gabre markii xilka laga qaadayey waxa uu ku maqnaa dalka South Sudan oo hawlo shaqo uu ku joogay, hase yeeshee isaga oo shaqadaas rasmiga ah haya ayuu misna, sida ilo kala duwan u xaqiijiyeen BBC-da, waxa uu faraha kula jiray arrimaha Soomaaliya.

 

2- Xil ka qaadista Janaral Gebre waxa ay ku soo beegantay iyadoo waddanka Itoobiya ay ka socoto dabayl siyaasadeed oo isbeddello wadata, waxaana loo badinayaa in raalli ahaanshaha Itoobiya ee ah in xilka laga qaado aanay meesha ka madhnayn.

 

Jeneraal Gabre waxa uu dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeysey si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, isaga oo waddankiisa Itoobiyana ka ahaa mid ka mid ah saraakiisha milateriga ee saamaynta weyn ku leh dalkiisa, gaar ahaan marka la soo qaado arrimaha Soomaaliya.

 

 

Gabre wuxuu saaxiibbo badan ku dhex leeyahay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee Soomaalida.

Sannadkii hore, bishii Juun ayey ahayd markii loo magacaabay xilkan ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee IGAD, oo ah xil siyaasadeed.

 

 

Halkan ka akhriso warqaddii shaqada looga eryey jeneraal Gabre oo af Ingiriisi ku qoran

 

Warqadda shaqo ka qaadidda ee Jeneraal Gabre

 

Xuquuqda warka waxa iska leh laanta Afka Somaliga ee BBC.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images