Awdalpress – London – Muddaba waxa loo dheg taagayey Shir beeleed ay beel ka mid ah beesha dhexe ee Somaliland ku qabsadeen buurta Gacan-libaax. Waxana shirkaa isugu tegey hoggaanka iyo hal-doorka beesha oo isaga kala yimid gudaha Somaliland, dhulka ay Somalidu ka degto Ethopia iyo qurbaha.
Intii aanu shirku qabsoomin waxa la isku maan-dhaafsanaa qabsoomidda shirka iyo ujeeddada shirka. Waxana ay haldoorka iyo hoggaanka beeshu kala qabeen aragtiyo badan oo loo sibir saarayo siyaasad, ficil qabiil amma aaya ka tashi ay beeshu yeelato.
Beesha Gar-xajis waa beel aad u ballaadhan, degaannada badanna ka degta Somaliland isla markaana miisaan cusul ku leh Somaliland. Laakiin waxa lagaga fiican yahay wada tashiga qabiil iyo isku xidhnaanta. Labada beelood ee ugu tunka weyn…..waa H/Yonis iyo Ciida Gale ayaa iyaguna ah kuwo uu ka dhexeeyo tartan, una muuqda in ay kala qabiil yihiin. Halka labada haamood ee Habar-awal iyo H/Jeclo ay u muuq eg yihiin kuwo isku bahaystay sidii ay u muquunin lahaayeen Gar-xajis iyo beelaha kale ee Somaliland dega.
Tartankaa beelaha ee ka dhex taagan beesha dhexe iyo isbahaysiga labada haamood ee H/ Awal iyo H/ Jeclo ay sidii qori isku dhiibka u kala danbeeyeen xukunkii iyo awooddii dalka ayaa la is odhan karaa, waxa ay ka cadhaysiisay Beelweynta Gar-xajis, sidaasi daraaddeedna ay kalliftay in ay aayahooda danbe ka tashadaan, xilligan lagu jirana ay tamceeyaan xukuumadda Muse Bixi ee ku timid tollaayeeyda. Loogu xoog sheegtay beelaha kale ee Somaliland.
Go’aannada la shaaciyey maaha go’aannada keliya ee ka soo baxay shirkaasi, waxase hoos yaalla go’aanno u gaar ah beesha Gar-xajis, waxa kale oo ku hoos jira garnaqsi ay la yeelan doonaan beelaha ay shirka ka hor joogsadeen ee tartanku ka dhexeeyo. Laakiin waxa loo guuxay dhawaqa ku wajahan beelaha darifyada iyo caddaaladda ay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ugu danbayn qabsoomay shirkaa uu Gar-xajis u dhammaa, waxana ugu horreyn lagu iftiimiyey aragtida ay ka qabaan xukuumadihii Siilaayo iyo Muse Bixi oo ay ku tilmaameen kuwo qabyaaladaysan, oo sad-bursi badan ku sameeyey wax wada lahaanshihii iyo dawladnimidadii Somaliland. Waxana ay si gaar ah u tilmaameen saami-qaybsiga dawladda, shaqaalaha waaweyn ee dawladdu sida uu dhinac ugu jan-jeedho, khayraadkii macdaneed amma dhaqaale sida uu ugu beelo gaar ugu xidhan yahay. Sidoo kale waxa ay farta ku fiiqeen macdanta laga qoto buurta Siimoodi oo shirkado gaar iyo shakhiyaad gaar gacanta looga geliyey, sahaminta shidaalka Sool iyo togdheer ee ay sida gaar loo maamulo iyo dekedda Berbera sida ay shakhsiyaad gaar ahi heshiiska ula galeen shirkado amma dawlado qani ah.
Shirkan buurta Gacan Libaax ku qabsoomay waxa ka soo baxay baaq ku wajahan shacabka Somaliland, kaasi oo ay ugu baaqu ahaa in dib u heshiisiin dhab ah mar kale loo sameeyo beelaha Somaliland, si bay yidhaahdeen looga gudbo caqabadaha ay Somaliland wajahday. Laakiin waxa aan shaki ku jirin ay xukuumadda Somaliland ee maanta jirtaa aanay marnba taasi ka oggolaanayn, haddii ay ganafka ku dhuftaanna ay hoos u sii dhici doonto taageerada iyo kalsoonida lagu qabi karo xukuumadda Muse Bixi.
Sidoo kale go’aanka Beesha Gar-xajis laguma caddayn cidda laga rabo in ay isugu yeedho beelaha Somaliland, si aayahooda uga wada tashadaan. In ay gogosha iyagu dhigi doonaanna may sheegin, haddii ay sidaasi tahayna waxa loo qaadan karaa uun in ay talo u soo jeediyeen xukuumadda uu maanta ka taliyo Muse Bixi.
Dhinac kale waxa aan wada hadalka Shirka ka muuqan caaddifad, hadallo lagu ammaanayo Somaliland amma la leeyahay waa muqaddas iyo wax la mid ah. Laakiin in ay beeshu ahayd tii dalka xoraysay halyeeyo badanina ay kaga dhinteen amma ay kaga naafoobeen ayaa aad loo buun buuniyey.
Isku soo wada duuboo waxa aan sugnaa waa sida ay u fuliyaan go’aannadoodii, isugu jiray fikirka ay ka qabaan Somalilandda maanta, colaadaha ka jira dalka, damacooda siyaasadeed ee mustaqbalka, wada jirka iyo caddaalad ku wada noolaanshaha Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayaan dib u saxa wixii ka qaldamay Somaliland.
Awdalpress





