Maanta waa 1 July waxa aan maq maqlayaa heeso loogu dabbaal degeyo gobannimadii gacanteenna soo gashay. 26 June ayaa iyadna la mid ahayd. Waxanse arkayaa dalalkii xilliyadaa gobonnimada helay oo ay Djabouti ugu muuq roon tahay amma ugu dawlad wanaagsan tahay. In aanay ay dunida ugu hooseeyaan. Sidoo kale waxa aad akhristow markhaati iiga tahay in aan marna lagu farxin maamulladii ka danbeeyey xorriyadda ee ay Somaliyi dhulkooda maamulaysey. Markaa sidaa ma ku faraxsannay? mise waxa habboon in aan qoomamayno ama aan ka murugoonno in uu guumaystihii reer Yurub innaga baxay isaga oo aan dalkiinna waxba ka qaban?
Bal eeg dalalka Carabta ee ay reer Yurub gumaysteen? bal eeg dalalka Kenya, South Afrika, Tanzaniya iyo kuwa kale ee innala midka ahaa ee waddammadii reer Yurub muddada u talinayeen? Waxad mooddaa amma ay yihiin dalal aqoon ahaan iyo dhisma ahaan amma dawlad ahaanba inna dhaama amma aad innoga horreeya. Xataa Djabouti ayaa labada gobol ee Somaliyeed ee isku biiray 1 July aad uga horreysa, oo uu gumaystihii Faransiis u sameeyey nidaam dawladeed oo ay dadku diiwaan gashan yihiin, xafiisyada dawladdu nidaamsan yihiin, luqadda wax lagu barto ee Fransiska ay dadku aad u yaqaannaan. Waxa kale oo uu u sameeyey waddooyin Tareen oo dalka Djabouti ku xidha waddanka jaarka la ah ee Ethopia, dekedo iwm.
Laakiin gumaystihii Ingiriiska ee Somaliland u talinayey waxba uma qaban dadkii dhulkaa ku noolaa, dalkiina waxba kama qaban, haddii laga tegi waayana waxa uu dabayaaqadii gumaysigiisa dhisay dhawr dugsi oo ay ka mid ahaayeen dugsigii Amoud ee immiga Jaamacadda loo beddelay oo laba ah, dugsigii Sheikh oo laba ah dugsiga hoose ee Berbera, dugsi hoose Hargeysa ah, Dugsiga hoose ee Dilla iyo kuwo kale oo laba amma saddex ah. Nasiib darrada kale ee xilligii uu Ingiriiska amma Talyaanigu xukumayeen dalka aan ku xasuusannaa way badnaayeen inkasta oo lala dagaallamay, haddana cuqaashii iyo dadkii la socday marnaba may la xisaabtamin, may waydiisan in uu dalka u dhiso amma khayraadkiisa uu u soo saaro sida dalalka Carabta. Beddelkeediina waxa ay waxgaradkii Somaliyeed dhaafi waayeen amma ay kaga dhegtay xorriyad…xorriyad.
Koonfurta Somalia oo dal ballaadhan ah, khayraad beereed iyo kuwa badeedna lahaa ayaan wax muuqda laga qaban, inkasta oo ay qoysas Talyaani ahi ka samaysteen beero Asandooyin ah, maamulkoodiina ay Muqdisho iyo meelo kale ka sameeyeen dugsiyo aan sidaa u wanaagsanayn, suuqyada Muqdisho, sida Hotellada iyo makhaayaduhu waxa ay u kala qaybsanaayeen qaar ay Talyaanigu ku raaxaystaan oo aanay Somalidu foodda soo gelin karin iyo kuwo aan naf lahayn oo ay Somalidii ilbaxday ka furteen duleeddada magaalada.
Haddaba miyaanad yaabayn marka aan dib u eegno sida aanay Somalidu uga faa’iidaysan gumaystihii, halka waddammada Khalijka oo dadkoodu wax la’aan daraaddeed ay abeesooyinka cuni jireen ay gaadhsiiyeen nolosha ay maanta haystaan.
Haddii aan muuqaalkaa dib u milicsannay, bal aan is weydiinno maxaa xilligan jira?
Waxan arkaynaa siyaasigeenna xilligan, odaygeenna xilligan iyo waxgaradkeenna xilligani in uu jecel yahay in dib loo gumaysto, oo weliba ay waddammada jaarku gumaystaan. Miyeynaan ka warqabin sida loogu kala badin jiray xukuumadihii Ethopia ee ka horreeyey kani maanta la yimid isbeddelka cusub, sidii kaba qaadka loogu ahaa Gabre oo kale amma siyaasiyiintu sida badheedhka ah ugu basaasi jireen maamulladii Ethopia ee kan cusub ka horreeyey.
Isbeddelka intaasi le’eg ee gumaysi jacaylka ah maxaa keenay? Kuwa sidaa u dhaqmaya ayaa marka la soo gaadho 26ka June amma 1 July la xajin kari la’yahay, oo dadkooda isaga dhiga kuwo neceb heeryada gumaysiga, xaflado iyo damaashaadna u qabta dadkooda ay beenta u sheegayaan.
Malaha waxa ka qummanayd amma u egeyd in ay siyaasiyiinta maantu runta calooshooda ku jirta sheegaan, oo ay yidhaahdaan GUMAYSIGII ayaa innoo fiicnaa, maanta haddii gumaysigii inna haysan lahaa waxan noqon lahayd sida dalalka hore u maray. Immigana waxa innoo fiican in ay Kenya iyo Ethopia inna gumaysto, maaddaama aynaan gaadhi karin waddamo kale.
Ahmedweli Goth





