Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WAR DEG DEG AH: Degmada Dilla oo muddaharaadyo ka dheceen jidkii Borama iyo Hargeysa isku xidhayeyna la kala xidhay.

$
0
0

Awdalpress – London – Duhurnimadii maalintii shalay waxa magaalada Dilla ka qarxay muddaharaad sababay in ay kala xidhmaan Borama iyo Hargeysa, waxana arrintaasi ay dhacday markii wiil labada gacmoodba la’ amma ay go’an yihiin oo la yidhaa Abdishakuur Aw Cali Buux xabsiga loo taxaabay.

 

Image result for magaalada Dila

 

Saxaafadda awdalpress oo xidhiidh la samaysay qaar ka mid ah dadka reer Dilla, ayaa u sheegay in Wiilka la xidhay loo aaneeyey in uu lug ku leeyahay muranka ka taagan Banka Wajaale ee waa sida ay yidhaahdeene sharci darrada lagu qodayo, dadkii dhulka lahaana loogu xoog sheegtay.

 

 

 

Fal celintii xukuumadda Muse Bixi ayaa iyaduna noqotay in ay ciidammo u diraan degaankaasi, laakiin maaddaama dagaallo ka jiraan bariga Somaliland darteed ayey dib uga laabteen, iyaga oo ka baqay in iska caabbin hubaysan lagala hor yimaaddo, waxana baddelkeedii la wadaa wada hadal lala yeesho waxgaradka iyo dhalin-yarada degaanka Dilla.

 

 

 

Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka beeraha iyo taliyaha ciidammada Somaliland ay si wada jir ah u booqdeen degaankaa banka, iyaga oo iclaamiyey in ay u socdaan sidii ay u qodi lahaayeen banka ee ay wax-soo saarka u kordhin lahaayeen, waxana ay wasaaradda beeruhu si aan qarsoodi lahayn uga hawl gashay dhulka lagu muransan yahay ee banka Wajaale. Kadibna waxa si wada jir ah uga hadlay odayada degaanka, laakiin cabashadii iyo dooddii ay odayadaasi soo jeediyeen, dhag jalaq looma siin.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, shaqaaqada iyo kacdoonka ka dhacday Dilla ayaa ah mid bilow ah, cabashaduna kuma koobna uun dhul beereedkaa la isku hayo, balse waxa ay muddaba arkayeen in xukuumadda cusub ee Muse Bixi ay fogeysey, horumar iyo mashaariic dhulkooda laga hirgeliyaanna aanay jirin. Dugsiyadii wax lagu baranayeyna ay dayac la’ yihiin dhallintii ay shaqa la’aan suuqyada wareegaysanayaan.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images