Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muddaharaadkii Dilla ka dhacay muxuu daarranaa muxuuse saamayn yeelan karaa?

$
0
0

Maanta waxa gobollada bariga Somaliland ka holcaya colaado sokeeye iyo kuwo ka sii xoog badan oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo iyaguna qabiil salka ku haya. Haddii taasi loogu daro dagaal laga abuuro galbeedna way ka sii daraysaa. Xalkuna noqon maayo in shacabka la cabudhiyo amma la xidh xidho. Kuwa sidaa ku kacayaana maaha mas’uuliyiin garasho u leh siyaasadda Somaliland ay maanta rabto amma waa kuwo mija xaabinaya maamulka cusub ee Muse Bixi. Xalkuse waxa uu noqonayaa in Muse Bixi uu xukuumaddiisa dib ugu noqdo, oo xusho mas’uuliyiin aqoon, karti iyo daacadnimo ugu shaqaysa dalkooda, balse aanay noqon kuwo calool xumo, ka aarso iyo waaya aragnimo la’aan ay aqoon darro weheliso ugu shaqeeya.

—————————————————————————————————————————————-

Degmada Dilla ama Idhan ama Baki marka la leeyahay, waxa laga hadlayaa ama loo socdaa degaannada bariga ee gobolka Awdal. Mar kasta oo ay shacabkaasi dareemaan dhib amma cadaadisna waxa ugu danbaynta dareenkooda amma ficilkooda ay ka muujiyaan degaannadaasi sida Dilla.

Shacabka degaannadaasi ka soo jeedaa waxa kele oo ay degaan ballaadhan ku leeyihiin Ethopia, oo sida la og yahay wakhtigii 90naadkii ee shacabkaasi la xasuuqay ama la barakiciyey amma magaalooyinkoodii la bililiqaystay, ee intii nolol ku gaadhay u qaxootiyeen dhulka Somalida Ethopia sida Awbarre oo dadkii ku nabad galeen isla markaana da’yartii ay wax ugu baratay.

Shacabka degaannaasi gudo iyo dibadba waxa ay Somaliland ka amminsan yahay dareenno kala geddisan, waxana ay in badani ka dhex arkaan in cadaawad gaar ah loo qabo, maaddaama ay ahaayeen shacabkii ka soo horjeestay in bur burka dalka loo adeegsado dhiigya cabkii Mingisto iyo xukuumaddiisii Dergiga. Waxana ay wakhtiyadaasi wajaheen degaalladii nasiib darrada ahaa ee ay isaga hor yimaaddeen walaalahoodii keli ahaa ee ay qarniyo is dugsanayeen.

Si kastaba ha ahaatee, maanta waxa xukunkii qabtay Muse Bixi oo ka soo jeeda dadkii wakhtiyadaa ay isku dheceen, waxa ay dadka qaar u arkaan in uu dib u dhaawacayo boogihii sii bogsanayey. Xukuumaddiisa waxa uu kala dagaallamay…. amma ka sifeeyey shacabka degaannadaasi oo ka mid ah kuwa ugu badan amma majority ka ah Somaliland.

Muddaharaadka shalay ka dhacay Dilla iyo hadalladii dhiillada lahaa ee ay durmarka iyo ragguba sida qiira leh u marinayeen media ha waxa ay ka tarjumayaan cadhada ay ka qabeen dhallin yarta ay qaar naafada yihiin ee lagu xidhay xaq-darrada. Waxa ay gocanayaan cadaawadda gaar ee xataa loo adeegsanayo mas’uuliyiinta ay isku gobolka ka soo wada jeedaan.

Waxa aan shaki ku jirin in Shacabka bariga Awdal ay qayb ka yihiin Somaliland oo weliba difaaca Somaliland ay goob walba u joogaan, dhiiggooda u shubayaan, laakiin looma oga. Maamulka xilligan jira ee Somalilandna waxa ay weli ka cadhaysan yihiin sidii ay dadka degaannadaasi uga codeeyeen xilligii doorashada. Aag-goosiguna uu immiga halkaa ka bilaabmayo.

Gaba gabadii shacabka Dilla iyo degaannada ku xeeran ka muddaharaadayaa cadaw uma arkaan walaalhooda dulman ee Gebilay ka soo jeeda, waxana ay dareensan yihiin in labada shacabba ay nasiib darro qabaan. Dhulka banka Wajaale ee Ilaahay mulkiga u siiyeyna ay labadaa shacab xaq u leeyihiin in ay ka hawl galaan, balse ay xaaraan tahay in loo gacan dhaafo amma dhab la dhex dhigo.

Maanta waxa gobollada bariga Somaliland ka holcaya colaado sokeeye iyo kuwo ka sii xoog badan oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo iyaguna qabiil salka ku haya. Haddii taasi loogu daro dagaal laga abuuro galbeedna way ka sii daraysaa. Xalkuna noqon maayo in shacabka la cabudhiyo amma la xidh xidho. Kuwa sidaa ku kacayaana maaha mas’uuliyiin garasho u leh siyaasadda Somaliland ay maanta rabto amma waa kuwo mija xaabinaya maamulka cusub ee Muse Bixi. Xalkuse waxa uu noqonayaa in Muse Bixi uu xukuumaddiisa dib ugu noqdo, oo xusho mas’uuliyiin aqoon, karti iyo daacadnimo ugu shaqaysa dalkooda, balse aanay noqon kuwo calool xumo, ka aarso iyo waaya aragnimo la’aan ay aqoon darro weheliso ugu shaqeeya.

Awdalpress

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles

Latest Images