Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qarax maalintii shalay ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Mudane Khayre oo booqday dadkii ku dhaawacmay. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Kadib markii maalintii shalay ahayd uu qarax xooggani ka dhacay dhismaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, ayaa waxa si adag uga hadlay dawladaha daneeya Somaliya iyo Ururro caalami ah oo dhammaantoodba si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray xarumaha Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. Sidoo kale waxa ka hadlay madaxda is-maamul goboleedyada Jubbaland, Baydhaba, Puntland, Galmudug iyo Jawhar. Laakiin waxa aan marnaba ka hadal maamulka Somaliland oo aan haba yaraatee ka hadal qaraxyada ka dhaca Somalia.

Dowladdaha Carabta, kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen, islamarkaana uu ku soo aaday xilli Amniga caasimadda uu soo hagaagaayay.

 

 

Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qarax oo shalay lagu weeraray Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.

Labada Qarax oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lala beegsaday dhismaha Otto Otto ee magaalada Muqdisho oo xarun u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga iyo Ciidanka booliska Taraafikada ee loo yaqaano Oto Oto.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Booliiska ayaa xalay booqday cisbitaallada lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii aragagaxisadu ay la beegsadeen xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku naf-waayay qaraxaas ay kooxda caadeysatay daadinta dhiigga Soomaaliyeed u qorsheeyeen in ay ku gumaadaan shacabka, waxa uuna dhanka kale ballan qaaday in dadka ay soo gaareen dhaawacyada aan waxba looga qaban karin gudaha dalka ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa.

“Maanta waxaa dhacay qarax ay fuliyeen kooxaha arxanlaawayaasha ah ee dhaqankoodu yahay in shacabka baabi’iyaan. Inta ku dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacana Allaha Bogsiiyo.

Waxa aan rajeynayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay nagala shaqeeyaan soo afjaridda kuwaan caadeestay in ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidammadu waa dadaaleen bilihii la soo dhaafay haddana waxaan u ballan qaadayaa shacabka Soomaaliyeed in dadaalka la sii wadi doono dowladda Soomaaliyeed ma nasan doonto inta amnigu ka hagaagayo,

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images