Awdalpress – London – Maanta waxa Asmara ka degey ra’iisal wasaare Abey Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo. Halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Tallaabadan oo aan xilligan la filayn, ayaa ka danbeysey khilaafkii labada dal oo uu Dr. Ahmed ku calool adaygay in uu soo afjaro. Waxa kale oo uu soo dedejiyey xidhiidhkan keenay in uu booqasho ku tago Asmara.
Isbeddelkan ka curtay geeska ayaa aad u badan, waxana sidoo kale la filayaa in uu saameeyo mandaqadda, sidii hore si ka geddisanna loo wada macaamilo.
Haddaba geeska Afrika oo ay ka bilaabantay isbeddel aad u saamayn doona guud ahaanba gobolka geeska Afrika iyo Afrika ayaa la arkayaa in uu si xawli ah u bilaabmay. Waxana muddo aan dheerayn rukunna loo adkayn doonaa xukuumado ku shaqeeya sharciga, caddaaladda iyo cabudhin la’aan.
Awdalpress





