Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo oo bogaadiyey heshiiska nabadeed ee ay wada gaadheen Ethiopia iyo Eritrea

$
0
0

Awdalpress – London – Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay in la dhammeeyo xiisaddii dagaal ee ka dhaxeysay dalalka Eritrea iyo Itoobiya, kadib markii dhawaan uu dalka Eritrea booqdey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

 

War ka soo baxay xafiiska xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu sheegey in Mareykanku uu soo dhaweynayo dadaallada ay wadaan ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweyne Afawarke, taas oo lagu soo afjarayo colaadda 20 jirsatay ee labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea.

 

Warka ayaa lagu yiri “Xaaladda caadi ka dhigista xiriirka laba dal iyo dhaqan gelinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo nabad galyo ee u dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya waxa uu dadka labada dal u saamixi doonaa fursado ay diiradda ku saaraan xiriirka siyaasadeed iyo midka bulsheed.”

 

Ugu dambeyn, xoghaye Pompeo ayaa sheegey in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu caawiyo hannaankan islamarkaasina uu dhinacyada kala shaqeeyo sidii loo heli lahaa kalsooni cad oo labada dhinac ah.

 

Xigasho VOA

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images