Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Arrimaha Gudaha Warancadde oo uu u jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Somalia.

$
0
0

cali-warancadeWasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa xukuumadda Soomaaliya iyo xisbiyada UCID iyo Waddani in ay u wada tashadeen jiritaanka Somaliland, si gaarna waxa uu maamulka Muqdisho ku eedeeyey inay faro-galin ku hayso arrimaha Somaliland.

Wasiirka  oo usbuucan horraantiisii shirjaraa’id ku qabtay xafiskiisa ayaa sheegay in khilaafka ka jira madaxda Soomaaliya ay sabab u tahay arrimaha Somaliland oo la isku hayo, isla markaana kharash badan ku bixinayaan khalkhalgalinta Somaliland. Dhinaca kalena waxa uu xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ku eedeeyey in ay wada shaqayni ka dhaxayso Maamulka Muqdisho. Laakiin waxa arrintaa aad uga qaylyey xubno sare oo ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah. Waxana ay hoosta ka xarriiqeen in ay wasiir Warancadde isla tegi doonaan maxkamad si bay yidhaahdeen uu u caddeeyo sababta ku kalliftay aflagaadada intaasi le’eg.

Warsaxaafadeedkii uu wasiirku ku duray Somaliya waxa ka mid ahaa oo uu yidhi “Dowladda Soomaaliya waxay wadaa faydo siyaasadeed inay dalkan (Somaliland) laga abuuro, sida awgeed waxay ku talo jiraan in la abuuro in dad Somaliland khilaaf ka dhasho oo si macno daro ah loo duufsado dad inaga mid ah, isla markaana loo eekaysiiyo Soomaaliyadda khalkhalsan”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde oo eedeen culus dusha ka  saaray madaxda sarsare ee Soomaaliya.

Waxaanu intaas ku daray: “Waxaanu ognahay in Soomaaliya waxa halkaasi geeyey muran siyaasadeed iyo muran madaxtinimo, arrintana (Somaliland) lagu bixiyey hanti badan iyo tallo badan, waxaanay dalka ka abuurayaan iska hor keen dadka Somaliland iyo in deganaansho la’aan laga abuuro”

Sidoo kale, waxa uu Warancadde  si adag ula hadlay xisbiyad mucaaradka ee shirka Qaran qabanaya, waxaanu sheegay inay masuuliyad ka saaran tahay wax kasta oo khalkhal keenaya inay ka hor tagaan.Isaga oo arrintaa ka hdalayana waxa uu mar kale yidhi:

“Waxaan maqlayey dad ku dhowaaqayey ha la aqbalo ama yaan la aqbalin ee maalin heblayao ayaanu qabanaynaa shir weyne  qaran, arintaasi waxay ku koobnaantoodda  cida ka masuulka ah, dawladana iyada masuul ka ah inay cid kasta oo wax rabshaysa wax ka qabato darajo kasta oo uu leeyahay, dawladda Somaliland maaha mid cabudhinaysa siyaasiinteeda iyo shacabkeeda, mana maaha mid diidan inay tallo qaran la siiyo”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey shirka qaran ee ay qabanqaabinayaan xisbiyada mucaaradka.

 

Wasiir Warancadde waxa kale oo uu intaa ku daray inay soo bandhigayaan xogo ay usoo gudbiyen sirdoonka Somaliland, isla markaana ay ku jiraan dad reer Somaliland ah oo ay adeegsanayaan xukuumadda Soomaliya oo doonaya inay khalkhal ka abuuraan Somaliland.

Warsaxaafadeedkaa huwan siyaasadda wareerarka ahi markii uu dhacay, waxa isna dhinaca dawladda Somaliya jawaab adag ka bixiyey wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya, warkii uu wasiirkaasi bixiyeyna waxa uu u dhignaa sidan:

C.kariin-Xuseen-Guuleed1Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka jawaabay eedeymo ay maamulka Somaliland uu u soo jeedisay dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ahaa in dowladdu ay ku mashquulsan tahay sidii fowdo uga abuuri lahayd Somaliland.

Guuleed ayaa sheegay in hadalkan uu waxyeelleyn karo wadahadalladii u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in la joojiyo hadallada xanafta leh ee wax-yeeleyn kara wadahadallada.

“Maamulka Somaliland waxaan ka dalbanaynaa inay raallin gelin ka bixiyaan hadalkii ay sii daayeen oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay inay fowdo siyaasadeed ka abuurto Somaliland,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyaddeedu tahay sidii ay dalka oo dhan nabad uga dhalin lahayd.

Wasiirka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin ka dowlad ahaan hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Waran-cadde, isagoo ku tilmaamay hadalkaas mid aysan waxba ka jirin oo aanay garanayn ujeedka laga leeyahay.

“Hadlkan waa mid aad loola yaabo, waana ka xunnahay inuu kasoo yeero mas’uul sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland. Waxaana sheegaynaa in mas’uuliyadda dowladdu ay tahay inay dalka oo dhan nabad ka dhigto, balse aysan ahayn inay dalka fowdo iyo wax la mid ah ka abuurto,” ayuu wasiirku ku haday hadalkiisa.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in hadalkan uu yahay mid meel ka dhac ah, laakiinse ma uusan sheegin tallaabada ay ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya haddii maammulka Somaliland uu ku adkeysto eedeyntiisan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa afar jeer dhex-maray wadahadallo ay isugu soo dhawaanayaan, iyadoo eedeyntan ay tahay tii ugu horreysay oo Somaliland ay u soo jeediso dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay billowdeen wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images