Awdalpress – London – Isbeddelka ka curtay geeska Afrika ayaa ah mid xilligan khasbaya in ay dawladaha gobolku ka wada qayb galaan. Waxana bishan heshiis dhaxal gal ah wada galay dawladda Ethopia iyo Eritrea oo muddaba ay colaadi u dhaxaysey. Sidoo kale waxa uu Geellaha Djabouti isna u xadhka xidhay sidii uu u soo afjari lahaa khilaafka muddaba ka dhaxeeyey Maamulka Djabouti iyo ka Asmara. Laakiin waxa iyana dhinac taalla khilaafka Djabouti iyo Waddammada Khalijka soo food saaray muddooyinkan oo laga yaabo in carqaladeeyo rabitaanka Madaxweyne Geelle ee la xidhiidha heshiiska Eritrea.
Awdalpress





