Awdalpress – London – Qoysas u badan qurba joog ayaa inta badan jiritaankoodu siqiiraa, oo kala tag iyo fool xumo ku dhammaada. Tusaale ahaan waddammada reer galbeedka ee wax walliba ay xorta yihiin, ayaa waalid badan oo rag u badani caadaystaan khamri cabnimo, jaad cunnimo qayral caadi ah iyo wax la mid ah. Taasi oo aabbayaal badan u diidda in ay shaqaystaan, reerkooda si fiican u dhaqdaan. Ugu danbayntana ku danbeeya in ay ooridoodii iyo ubadkoodii kala huleelaan amma dib isku arki waayaan.
Runtii ku noolaashaha qurbaha waddammad reer galbeedku ( USA, Yurub ) waa mid aad u dhib badan, waalidka ka foojignaan waaya mukhaddaraadka iyo dhaqammada xun xunina waa kuwa ugu sii daran ee shakhsi ahaan iyo qoys ahaanba u baaba’a. Dhibaatooyinka khilaafka qoyska ka yimaaddaanna waa kuwo raad xun ku reeba ubadka iyo hooyada. In badanna waxa arrintan ka hadla amma wax ka qora, culimada, aqoon yahannada iyo waxgaradka Somaliyeed ee ku nool qurbaha gaar ahaan waddamma reer galbeedka.
Haddaba akhristow siday kuula muuqataa ee xal loogu heli karaa, khilaafka amma burburka qoyska ee uu keeno waalidka oo caadaysta dhaqammada xun iyo mukhaddaraadka sida Khamriga? Waalidkaasi amma dadka balwada u go’ayse maxay saamayn ku leeyihiin mujtamaca?
Qormooyin kale oo la xidhiidha dhibaatada uu waalidka balwadda lihi ku leeyahay mujtamaca…. kala soco awdalpress
Ahmedweli Goth







