Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xog ku saabsan Madaxweynaha dawladda degaanka Somalida Ethopia iyo saamaynta uu isbaddelka Abiy ku yeelanayo. ( Xasaasi )

$
0
0

Awdalpress – London – Gobolka Somalidu ka degto Ethopia ee ka mid ah dawladda Federaalka Ethopia amma loo yaqaanno Ogaden ayaa beesha caalamka iyo Ethopiaba u arkaan mandiqad xasaasi ah, waxase isbeddel weyni ku dhacay muddadii Madaxweyne Abdi Omer Muhumed uu hoggaanka u qabtay. Muddadaasi oo uu maamulkaasi abuuray xoog ciidan amma maamul oo gacanta ku dhiga dhammaanba degaannada Kililka. Sidoo kale waxa uu heshiis la galay jabhaddii ONLF ee ka dagaallamaysey gobolladaasi iyo kooxo diimeedkii kale. Xoogaggii ka soo horjeeday maamulka Ethopiana waxa ay u qaybsameen in raacda Abdi Omer, oo ay wada shaqayn yeeshaan, kuwo jeelasha lagu guro iyo in cabsata oo qoriga dhulka dhigta, dalkana isaga baxa.

 

Awoodda maamulka madaxweyne Abdi Omer ayaa gaadhay heer uu cabsi badan ku keeno dhammaanba mucaaridkii Ethopia, Al shabaab iyo Al Qacida. Horumarka kaabayasha adeegga bulshada ayaa xawli aan caadi ahayn uga socda degaankaasi, kala danbaynta iyo amniga ayaa isna salka dhigtay. Laakiin in badan oo shacabka mandiqadda ah ayaa maamulkaa Abdi Omer u arkaysey mid xoog iyo baqo gelin uun ku socda.

 

Muddadii uu Abdi Omer ay wada shaqaynta lahaayeen dawladdii Federaalka ee Zanawi iyo dawladdii ra’iisal wasaarihii is casilay, ayuu dhinacooda uga muuqday hoggaamiye adag oo shaqadiisa ka soo baxay. Hase yeeshii markii uu Dr. Abiy Ahmed Ali uu xukunka dalka mulkiyey, ee uu ku tallaabsaday isbeddellada lala yaabay, oo aan caadiga ahayn, sida heshiiskii uu la galay Eritrea iyo sii dayntii maxaabiistii faraha badnayd ee ku xidhnayd jeelasha Ethopia oo ay ku jiraan Maxaabiixtii ku xidhnayn Jeelka loo yaqaan Jeel-Ogaadeen. Ayaa waxa abuurmay dareen ay shacabkii moodeen in awooddii Madaxweyne Abdi Omer ay meesha ka baxday, dadkiina ay xorriyad heleen. Xorriyad ay ku hadli karaan ama ay wax ka sheegi karaan maamulka DDSI ayaa bilowday, waxana yaraaday xadhiggii lagula kici jiray dadka dawladda wax ka sheega.

 

 

Dhinaca kale waxa wada hadallo iyo fur furnaan muujiyey Madaxweyne Abdi Omer, shirar is daba joog ah, wada hadal iyo is-cafin ayuu si cad u bilaabay. Jeelkii la magac baxay Jeel-Ogaadeenna waxa uu sheegay in uu u beddeli doono Masaajid lagu cibaadaysto. Sidoo kale waxa uu socdaallo is daba joog ah ku tegey magaalada Addis Ababa oo uu kulammo kula yeeshay Dr. Abiy iyo madaxda kale ee dawladda Federaalka.

 

 

Haddaba xogo ka soo baxay socdaalladiisaasi ayaa tibaaxaya in aanu marnba Madaxweyne Abdi Omer bannaynayn xilka Madaxweynenimo, sida awdalpress soo gaadhayna waxa madaxda Addis Ababa aamminsan yihiin inaan Abdi Omer laga maarmayn, degaanka uu madaxweynaha ka yahayna aanu la mid ahayn degaannada kale, isla markaana uu kaabka ku hayo dalka Somaliya oo saldhig u ah xoogagga Islaamiyiinta ah ee dagaallama. Sidaasi daraaddeedna uu xasaasi u yahay. Sidoo kale waxa uu Abdi Omer yahay hoggaamiyaha keliya ee xilligan kala guurka loo baahan yahay, la’aantiina aan la malayn karin sida uu degaankaasi ku danbayn doono.

 

 

 

Siyaasiyiin iyo indheer garad badan ayaa amminsan in isbeddelka Dr. Abiy  Ahmed uu u baahan yahay nabad, deggenaansho iyo kala danbayn, balse aanu u baahnayn isbeddel ay dagaallo ka dhashaan, xukunka degaankuna uu faraha ka baxo. Waxa kale oo ay ish ku hayaan 60 ka kun ee ciidanka ah, kana amar qaata Abdi Omer, lagana yaabo in haddii la baddalo ay dhici karto is-aammin la’aan ka dhex abuurma shacabka degaanka. Dhibta halkaa ka dhalataana ay abuuri karto in xooggagga ammaan darrada jeceli ay u soo ruqaansadaan dhinaca Ethopia.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in maamulkii degaanka Somalidu uu dib isku istaadhi doono, xorriyadda iyo isbeddelka ay dadku sida kale u qaateenna ay noqon doonto mid aan la mahadin. Balse sharcigu u shaqayn doono si ka adag sidii hore.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images