Awdalpress – London – Shacabka Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxa ay isha ku yahaan rabshadaha aan la filayn ee ka dhacaya magaalooyinka Degaanka Ismaamulka Somalida Ethopia sida Jig Jiga iyo Diri Dawa. Su’aalo badan ayeyna iska weydiinayaan, waxa sababay rabshadahaasi keenay dhibaatooyinka badan.
Su’aalaha la isweydiinayana waxa ka mid ah:
- Sababta uu Ra’iisal Wasaare Dr. Ahmed Abiy illaa immiga uga hadli waayey dhimashada, dhaawaca, ammaan darrida iyo guud ahaanba khasaaraha kale ee ka dhashay markii ay ciidanka Millatariga Ethopia sida lama filaanka ah ku soo galeen caasimadda Jig Jiga ee ay isku dayeen in ay xukunka xoog uga qaadaan Madaxweyne Abdi Omer?
- Maxaa sababay in ciidan Taangiyo iyo saanad millitari wataa ay si lama filaan ah ku soo galaan magaalo aanay rabshado ka jirin?
- Xukuumadaha Muse Bixi iyo Abdi Weli oo markiiba ka dareen celiyey rabshadahaasi ka dhacay degaannada Somalida iyo sababta ku kalliftay?
- Xukuumadda Djabouti iyo Muqdisho sababta ay uga hadli waayeen?
- Mawqifka kala duwan ee mucaaridkii Diri Dawa ku shiray iyo ka ONLF sida ay isku seeggan yihiin.
- Xalka lagu maarayn karo rabshadaha qawmiyadaysan ee ka jira degaannada ay wada deggen yihiin Somalida iyo Oromiya sidii loo maarayn lahaa?
- Siyaasadda furfuran iyo Isbeddelka wanaagsan ee Dr. Abiy ku dhawaaqay iyo mushkiladahan socdaa sida ay isku qabanayaan.
Dr. Abiy oo 8 bilood ka hor loo doortay ra’iisal wasaaraha Ethopia ayaa la yimid dhaqan siyaaso oo aan weligeed lagu arag amma lagu maqal Ethopia, waxana uu ugu horreynba xabsiyada ka sii daayey dhammaanba dadkii siyaasadda iyo arrimo kale u xidhnaa, waxa uu soo af-jaray colaaddii u dhaxaysey Ethopia iyo Eritrea ee ay 100 ka kun ku naf-waayeen. Waxa kale oo uu socdaalo farxadeed ku soo maray inta badan degaannada qowmiyadaha sida Jig Jiga. Farriinta uu waday waxa ay ahayd mid wadatay dabayl is beddel oo ay dadku u riyaaqeen.
Muddadaasi ka dib, waxa si aayar aayar ah u bilaabmay isku dhacyo dhagaraysan oo ka dhex bilowday qawmiyadaha Somalida iyo Oromiya ee wada deggen, laakiin dawladda Ethopia gaar ahaan hay’adaha amnigu xil weyn iskama aanay saarin. Kadib, waxa soo kordhay in dad qurba joog u badani ay isaga kala yimaaddeen dibadaha iyaga oo ka faa’iidaysana fursadda isbeddelka siyaasadeed ee ka curatay Ethopia. Shirar, Borobogaanda iyo qas hoose ayeyna ka bilaabeen caasimadda Addi Ababa, waxana uu Dr. Abiy ugu horreyntii is hor fadhiisiyey qaar ka mid kooxahaasi iyo madaxda ismaamulka degaannada Ethopia oo uu ka kow yahay Madaxweyne Abdi Mahamoud Omer.
Kulammadaasi mucaaridka iyo gaar ahaan maamulka Somalida waxa laga dhex fahmay in isbeddel ku soo wajahan yahay maamulka Jig Jiga. Kadibna waxa ay bishii July dhammaadkeedii shir ku qabsadeen magaalada Diri Dhaba. Go’aannadii ay ka soo saareenna waxa kow ka ahaa in aanay Madaxweyne Abdi M Omer u aqoonsanayn in uu Madaxweyne ka yahay degaanka Somalida. Isla maalmihii ka danbeysayna waxaba ay ciidammada Federaalku isku dayeen in ay xoog u adeegsadaan taliskii degaanka iyo xafiisyada muhiimka ah. Laakiin waxa ka hor yimid arrin aanay filanayn oo keentay in ay dadkii ku kacaan, kacdoonkiina uu dhaliyo rabshado aan qurux badanayn iyo khaladaad aad u waaweyn oo lagula kacay dad aan u dhalan degaanka iyo Kaniinasad la gubay.
In ay ciidammada Federaalku xoog ku soo galaan Jig Jiga waxa soo dhaweeyey kooxdii mucaaridka ahayd ee Diri Dhaba ku shirtay. Hase yeeshee waxa dhanka kale sharci darro ku tilmaamay Jabhaddii hubaysnayd ee ONLF. Dhinaca kale waxa Madaxweyne Abdi M Omer uu kasbaday mujtamac iyo taageero aad u badan, waxana ay arrintii isku beddeshay amma ay u egaatay in shacabka Somalida uun sida la doono laga yeeli karo, iyada oo laga faa’iidaysanayo kala qaybsanaantooda. Hase yeeshee waxa ay shacabka Somaliyeed markii taariikhda ugu horreysey intii la garanayo ay meel kasta oo ay joogaanba aragti mid ah ka yeesheen sida loogu baahan yahay in ay maanta midoobaan, waxa ay aad uga niyad jabeen sababta uu Dr. Abiy afka uga xidhay hawsha muggaasi leh.
Ethopia waa dawlad quwad leh, ciidankeeda amniguna haddaanu sharciga dhawrayn, waxa uu samayn karaa dhibaato badan, cadaadis badan iyo xasuuq badan. Haddiise sida Ra’iisal Wasaare Abiy uu sheegay la dhawrayo sharciga, amniga iyo xorriyadda shucuubta, waxa mushkilad walba lagu dhammayn karaa wada hadal iyo farsamo siyaasadeed. Laakiin in xoog la adeegsadaa waa mid aanay qawmiyadina oggolaanayn. Degaanka Somaliduna sida aan qoraallo hore ku sheegnay waa mandiqad xasaasi ah, oo ku fiican in nabadaynteeda uun laga shaqeeyo. Xaalkuna waa ka durugsan yahay in mawduuc laga dhigo Abdi M Omer iyo xukunkiisa. Amma kooxo cusubi ay u xusul duubaan sidii ay u noqon lahaayeen madaxda maamulka Somalida Ethopia.
Sharciga Ethopia maaha mid dibadda amma qurba joogto maamulaan, sida ay doonaan uga talin karaan. Laakiin waa mid ku dhisan xisbiyo, oo leh golayaal sharci oo illaa heer degaan ah. Koox meel gaar ah ku shirtay, ujeeddo gaar ah lihi waxa ay abuuri karaan uun rabshado iyo khal khal ku yimaadda maamullada degaannada
Illaa immiga waxa arrintan ka hadlay Madaxweyne Muse Bixi oo si miisaaman ugala hadlay shacabkiisa reer Somaliland, isaga oo ujeeddadiisu ahayn in la nabad geliyo dadka reer Ethopian-ka ah ee dalka la jooga. Sidoo kale maamulka Puntland ayaa Madaxweynahooda Abdi Weli uu dareenkiisa ka muujiyey shacabka reer Puntlandna ugu baaqay in ay dhawraan shucuubta la nool ee Oromada ah.
La soco
Ahmedweli Goth





