Awdalpress – London – War aan ka soo xigannay laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegaya in uu Madaxweynihii Ismaamulka degaanka Somalidu is casilay. Beddelkiisiina si ku meel gaadh ah oo doortayMudane Axmed Cabdi Sheikh Maxamed, oo ahaa wasiirka maaliyadda ee degaanka Somalida.
Haddaba wasiirka warfaafinta dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa BBC-da u xaqiijiyay in madaxweyne Cabdi Maxamuud uu xilka iska casilay.
Iscasilaadda madaxweynaha ayaa ka dambeysay kaddib markii militariga federaalka loo daabulay magaalada Jigjiga iyo deeganno ka tirsan maamulka Soomaalida, waxaana la rumaysan yahay in Cabdi Maxamuud Cumar ay ku dowladda dhexe cadaadis ku saareen inuu xilka iska casilo kaddib markii loo sibir saaray dibadbaxyo ay ka dhaceen halkaasi iyo dagaallo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Awdalpress



