Awdalpress – London – Dadka qurba joogta ah ee ka soo joogeeda gobolka Awdal, ayaa noqday kuwa ugu waxtarka iyo daacadnimadaba badan, waxana muddooyinkan ay qaarkood hawlo samafal ka geysteen degaannadii ay duufaantu ku dhacday ee gobolka Awdal.
Hore uma ay dhicin sida ay qurba joogtani yeeleen, taasi oo ah in la caddeeyo deeqaha dadkaa loo diro amma wax muuqda loogu qabto. Dadka lagu hagaajiyo deeqaha dibadda laga aruuriyo ayaa iska ahaa biyo col dhaanshay. Xisaab celintooduna ay ku baxaysay luqad uu mugdi ku jiro. Tusaale ahaan, dadka lagu hagaajiyo deeqaha qurbaha laga soo qaadhaamo ayaan sheegi jirin tirada lacagta lagu hagaajiyey iyo sida ay wax ugu iibiyeen. Waxana hadalka ay mediaha mariyaan uu ahaa…..DAD MUXSINIIN AHI DEEQ AY SOO DIREEN AYAAN BUR IYO SALIID U QAYBINNAY KKKKKK. Weliba waa haddii ay saxaafadda haleelaan.

Calaa kulli xaal waxa ugu danbeeyey Khadra Cilmi iyo Mohamed Ibrahim oo UK ku nool balse xilligan jooga Borama oo loo wakiishay deeq ay reer UK ugu deeqeen Baki. ( Bal hadda nala daawada )
Awdalpress





