Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Somaliland dadkeedu siday ugu kala duwan yihiin fikirka jiritaankooda?

$
0
0
Mar kasta oo aad u kuur gasho Somaliland iyo shacabkeeda, sida ay u kala fikiraan amma farqiyada u dhexeeya iyo sida wada jirkoodu yahay, waxa kuu soo baxaya muuqaallo kala geddisan iyo fikirro la kala qabo oo aan isku sargo’nayn. 
 
 
 
Kala duwanaanshaasi maaha mid inta badan ku salaysan qabiil, degaan, da’, aqoon, dhaqan iyo mabda’. Laakiin waa mid aan dadka reer Somaliland u kala qaybin karro xubno ( categorises ) dhawr ah.
 
 
 
Tusaale ahaan abla ablayntani, waxa aan u kala qaadi karraa:
 
 
 
 
 
Koox iyagu aamminsan in ay Somali yihiin, Somalina wax badan wadaagaan, laakiin siyaasadda lagu kala duwan yahay, maamulka lagu kala duwan yahay, shacabka reer Somaliland iyo dalkuna u baahan yahay in lagu dalka lagu dhaqo caddaalad, is-jacayl, horumar, sinnaan iyo musuq maasuqa oo aad loola dagaallamo. Kooxdani waxa ay aad u aamminsan yihiin in maamulka loo xusho dad aqoon ahaan, karti ahaan iyo kalsooni ahaanba dhisan. Oo iibin kara qaddiyaddooda iyo jiritaankooda.
 
 
Kooxda labaad oo aamminsan in ay Somaliland tahay dal gaar ah, dawladdiisa iyagu doorta, Somalinimada aan u arag mushkilad, balse Somali aan isku arag. Qabyaaladda iyo wax la mid ah dadka ku qiimeeya, had iyo jeer aad uga sheekeeya maamulka Somaliland, musuqa u arka in aan la baabi’in karin, Caddaaladda Somalilandna u arka sida ay maanta u dhisan tahay.
 
 
 
Kooxda saddexaad oo ay isaga qasan tahay dawladnimada iyo qabyaaladdu, isuna arka in ay yihiin Somalilanders, balse aan isku arkin in ay Somali yihiin. Waxa ku badan qiirada, Somaliland jacaylka iyo in soolyaalkii Somaliland ka horreeyey laga sheekeeyo. Qabiilooyinka Somaliland wada dega waxa ay u arkaan inay kala mudan yihiin.  Kooxdani qabiil jacayl halka ay ka gaadhay, waxa ay aad u jecel yihiin qabiilkooda hoose ama jufadooda hoose, waana kooxda ugu badan Somaliland. 
 
 
 
Kooxahaasi saddexda ah ee aan soo sheegnay ma kala laha aqoon yahan, culimo, madax dhaqameedyo, arday iyo rag ama dumar, waana dad isku filqan, oo aad koox kasta ka dhex helayso.
 
 
 
 
 
Awdalpress

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images