Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Geelle oo dibad joog ka ah siyaasadda cusub ee geeska Afirka ka curatay ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Isbeddelka siyaasadeed ee ka curtay Ethopia ayaa waxa uu saamayn weyn ku yeeshay guud ahaanba siyaasadda geeska Afrika. Ugu horreyna waxa heshiis mug weyn wada gaadhay Eritrea iyo Ethopia oo muddo ka badan nus qarni uu dagaal u dhexeeyey. Beddelkii dagaakaana waxa qalinka lagu duugay sidii labada shacab ay u gaadhi lahaayeen nolol fiican iyo wax is dhaafsi.

 

Heshiiskaasi waxa uu meesha ka saaray go’doonkii dhaqaale iyo siyaasadeed ee muddada dheer haystay dalka Eritrea. Laakiin beddelkii taasi, waxa la dareemayaa in Djabouti ay wajihi karto culays cusub oo siyaasadeed.

Sidoo kale waxa heshiisyada iyo isbeddelka siyaasadda cusub ee geeska qayb weyn ka noqday dawladda Federaalka Somalia, oo door weyn ka ciyaaraysay dhinaceeda.

 

Isku soo wada duuboo, maalintii shalay waxa magaalada Asmara isugu tegey madaxda saddexda dal ee Somalia, Ethopia iyo Eritrea oo loo marti ahaa. kuwan gaar ahna waxa wada yeeshay Dr. Abiy, Farmaajo iyo Afgorgis ka Eritrea. Laakiin waxa madashaa ka maqnaa Madaxweyne Ismail Omer Geelle oo ay weli xurgufi ka dhaxayso Eritrea.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images