Awdalpress(Dhuusamareeb) 21 Nov, 13–Lixdan askari oo boolis ah oo isugu jira rag iyo dumar ayay maanta yeelatay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Ciidanka ayaa muddo 2 bil ah wuxuu tababar uga socday Dhuusamarreeb, iyadoo xaflad maanta loo sameeyay ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geedo-qorow) oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa xusay in ciidankan ay hirgeliyeen kaddib markii ay gacan ka heleen jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Sudan.
Wuxuu tilmaamay in dhowaan ay dhankooda billaabayaan dhaqaale laga qaadayo dadka degaanka, si wax loogu qabto ciidanka.
Guddoomiyaha ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay gacan ka gaysato sidii uu booliska u heli lahaa mushaar iyo qalab ciidan oo ku filan.
Labo iyo labaatan sano kaddib waa markii u horraysay oo degmada Dhuusamarreeb ay yeelato ciidan boolis ah oo ka shaqeeya xaqiijinta ammaanka.
RBK




