Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

200 oo qof oo lagu xidhay Beledweyne

$
0
0

Awdalpress(Baladweyne) 21 Nov, 13–In ka badan 200 oo qof ayaa lagu soo qabqabtay howlgallo maanta laga sameeyay xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howlgalladan ayaa waxaa fuliyay ciidammada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Taliye ku-xigeenka ciidamada milateriga ee gobolka Hiiraan, Korneyl Maxamed Aadan Aaney (Maxamed Amiin) oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka, isagoo sheegay in ay sii socon doonaan ilaa laga xasiliyo nabadgelyada gobolka.

Wuxuu tilmaamay in sharciga la horkeeni doono dadka lagu helo in ay ka dambeeyaan amni-darrida xilliyada qaar ka dhacda Beledweyne, iyadoo ciddii dembi lagu waayana uu xaqiijiyay in la sii deyn doono.

Maalin ka hor ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Beledweyne, iyadoo qaraxaas ay sheegatay Al-Shabaab.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images