Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Warancade markii uu UDUB ahaa Kulmiye wuxuu ku eedayn jiray Al-shabaab maantana Mucaaradkuu ku eedaynayaa Somaliyada ay Xukuumadda uu ku jiraa u xaglinayso” Axmed Muumin Seed

$
0
0

Seed iyo HashimAwdalpress(Hargaysa) 21 Nov, 13–Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay kaga jawaabayaan Eedo uu wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ujeediyey, iyagoo ku tilmaamay in uu doonayo mar kale in uu qaranka u baabi’iyo sidii uu UDUB u baabi’iyey.
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradk ah ee Wadani Axmed Muumin Seed oo warbaahinta u qaybiyey qoraal jawaab u ah weerarkii Cali Warancade uu ku qaaday Axsaabta Mucaaradka ah oo uu ku Eedeeyey in cadawga Somaliland soo adeesaday waxa ay u dhignayd jawaabtiisu sidan:-
Warsaxaafadeed
Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay maalin cad xaraashtay qadiyadii madaxbanaanida Somaliland, Waxaanay ku guuldaraysatay wadahadaladii humaagga ahaa ee ay la gashay Somalia, umadda Somaliland waxa u cad in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanay marnaba daacad ka ahayn wada hadahadaladii ay la gashay Somalia isla markaasna ay doonayso inay caalamka tusto inay midnimo soomaaliyeed raadinayso.
Waxa taas cadayn u ah in wadahadaladii ay ku guuldaraysatay isla markaasna ay iska nabayso inay ka jawaabto marar badan oo Somalia ku celcelisay inay ka baxday wadahadaladii iyo qodobadii lagu heshiiyey.
Markii wadahadalada lagu jiray waxa go’aamada gaadhayey xubno madaxtooyada Axmed Siilaanyo diratay oo u xaglinaya isla markaasna aaminsan mabda’a Somalia.
Waxaa la ogyahay in guddigii wadahadalada laga dareeriyey fadhiga wadahadalada oo ay ku hadhi jireen xubno si gaar ah isu ogaa oo wada xidhiidhi jiray oo u xaglinaya dhinaca Somalia.
Dhinaca kale waxaanu aad uga xunnahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay xisbiga KULMIYE markii uu mucaaridka ahaa ku sheegi jiray Al-shabaab uu maantana xisbiyada qaranka ku aflagaadeeyo wixii xukuumadda uu ka tirsanyahay lagu tuhmayey ee ah inay qaddiyadii madaxbanaanida Somaliland xaraashtay.
Wasiir Cali Warancadde wuxuu hore usoo baabi’iyey XIsbigii UDUB maantana wuxuu baabi’inayaa qaranka Somaliland, waxa nasiib darro ah in Wasiir Cali Warancadde uu garsoorkii dalka ku sheego laaluush qaatayaal maantana xisbiyada qaranka uu aflagaadeeyo, iyada oo amaankii dalku faraha kasii baxayo oo hadhka cad la toogto xildhibaanadii shacabku soo doorteen.
Nin xilkiisi gabay yaanu ku galgalanin xisbiyada mucaaridka ah.
Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI
Md. Axmed Muumin Seed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images