Awdalpress(Muqdisho) 21 Nov, 13–Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisalwaasare Cabdi Faarax Shirdoon (saacid)
Mooshinkan ayaa la sheegayaa inay saxiixeen 168 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Ra’iisalwasaare Saacid ayaa horey u sheegay in mas’uuliyadda xallinta khilaafka u dhexeeyo isaga iyo madaxweynaha uu u yeello baarlamaanka Soomaaliya.
Khilaaf destuuri ah
Waxaa uu sheegay in khilaafka uusan ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay destuuri.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu doonayay in Ra’iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu is casilo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonayo in ra’iisalwasaare Saacid is casilo
Ra’iisalwasaare Saacid ayaa diiday in uu is casilo
Maalmihii la soo dhaafay xildhibaannada Soomaaliya ayaa lahaa kulamo gooni gooni ah oo ay ku kala taageersanaayeen labada dhinac.
BBC





