Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Djibouti oo Maxkamad saaraysa Ganacsade Oomaar iyo salaaddiin reer Hargaysa ah oo Ergo ugu tagey

$
0
0

djiboutiAwdalpress(Hargaysa) 21 Nov, 13–Dawladda Djibouti, ayaa 24ka Bishan November maxkamad soo taagaysa Ganacsade Jaamac Oomaar Seed, oo ah mulkiilaha shirkadda Oomaar Trading Company oo ka tirsan shirkadaha ugu waaweyn dhinaca ganacsiga Somaliland iyo Djibouti ee uu leeyahay muwaaddinkan Jaamac Oomaar oo u dhashay dalka jabuuti.

Wararka arrintaa la xidhiidha ayaa sheegaya in maanta ay caasimadda Hargeysa ka dhoofeen 12 suldaan oo ka kooban dhammaan beelaha Hargaysa ee G/W/Galbeed, kuwaas oo ku sii jeeda magaalada Djibouti, safarkooduna salka ku hayo  sidii ay waan waan ula geli lahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, kaddibna xorriyaddiisa loogu soo celin lahaa Ganacsade Jaamac Oomaar Seed.
Salaadiintan oo ay ka mid yihiin  Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule (Indhacase), Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Sammaale, Suldaan Barre Sheekh Aadan, Suldaan Maxamuud Axmed-sheekh, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, iyo salaadiin kale, ayaa warar u dhuun daloola safarkoodu u xaqiijiyeen shebekadda Wararka ee Gabiley News inay u baqoolayaan maanta magaalada Djibouti, si ay maamulka Djabouti wada hadal ugala yeesheen xadhiga Ganacsadaha ka hor inta aan maxkammadda la geyn.
Dawladda dalka Djabouti Oo Albaabada u laaabtay Dhammaanba Ganacsiyadii Shirkada Oomaar International Compnay Ee Wadanka Djbouti , warar aan la xaqiijin oo la helay ayaa sheegaya in xidhiidh ganacsi dhex maray Shirkada Omar Companay Iyo Ganacsade Boore Oo Ganacsigiisa Laga Mamnuucay waddanka Djabouti .
Ma jiro war rasmiya oo xukuumadda Djibouti ka soo saartay xadhigga ganacsade Jaamac iyo eedda loo haysto toona, kaa soo ciidammada Djibouti xabsiga dhigeen horraantii bishan November.
Awdalpress Desk.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images