War lagu daabacay bogga BBC-da laanteeda Afka Somaliga ayaa sheegaya arrin ugub ku ah oo ku saabsan go’aan xag-jir ah oo ay qaateen maamul goboleedyada Somalia, warkiina sidan ayuu u dhignaa:
Awdalpress – London – Madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya oo tan iyo Talaadadii magaalada Kismaayo ku kulansanaa ayaa warmurtiyeed ay maanta soo saareen ku sheegay in ay xiriirka u jareen dawladda Federaalka.
Laba qodob oo kala ah amniga iyo siyaasadda ayey u sababeeyeen, kuna soo koobeen xiriirka xumaaday ee labada dhinac.
Labadaas qodob oo ay aad uga hadleen warmurtiyeedkooda marka laga yimaado, waxay sheegeen in ay ” ka quusteen in dawladda dhexe meel mariso heshiisyadii iyo ballamadii hore loo galay, taas beddelkeedana waxay wada shaqayntii dawladdu ka doorbidday faragelin gurracan oo ay ku hayso dawlad goboleedyada, taasoo dhaawacday kalsoonidii wada shaqayn ee labada dhinac dhex mari lahayd” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.
Xiriirka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe ee Federaalka ayaa hadda maraya meeshii ugu xumayd ee uu abid gaaro, waxayna arrintu u muuqataa sidii laba maamul oo isku haysta sharciyadda lagu xukumayo dal madax banaan.
Awdalpress






