Kulan magaalada Jabuuti ay ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha dibedda ee waddammada Somaliya, Jabuuti, Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban.
Awdalpress – London – War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay tallaabadani tahay mid weyn oo loo qaaday dhanka adkaynta nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, iyadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Africa.
Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Wasiirrada socdaalka ku tegay Djabouti in ay daarran tahay isbeddelka ka curtay geeska Afrika, ee la doonayo in si wada jir ah loo wajaho sidii mustaqabalka ay mujtamaca geesku u gaadhi lahaayeen wada noolaasho dhab ah.
Socdaalka Wasiirro Arrimo dibeddeedyada dalalka Itoobya, Soomaaliya iyo Eritrea ay ku tageen dalka Jabuuti ayaa ka dhashay kulan madaxdeedkii madaxda saddexda dal ee ka dhacay magaalada Asmara.
Waxaa muuqata in uu soconayo dadaal xoog leh oo la doonayo in lagu dhammeeyo khilaafka labada dowladood ee Jabuuti iyo Eritrea oo uu ka dhaxeeyo muran la xidhiidha dhulka ama xuddduuda labada dal u dhaxaysa.
Awdalpress






