Awdalpress – London – Dhammaanba qurba joogta degaannada Borama, bariga Borama gaar ahaan degmooyinka Dilla, Idhan, Baki iyo shacabka guud ahaanba dega dhulka Somalidu, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Abdilahi Omer Warsame oo loo yaqaannay Abdilahi Omer-jilic. Oo ay ugu ducaynayaan in uu Alle danbigiisa dhaafo marxuumka, Jannadiisiina uu ka waraabiyo….Aammiin.
Marxuum Abdilahi oo geeriyooday xilli uu soo gutay xajkii, ayaa ahaa shakhsi lagu xasuusto saaxiibtinno run ah, bulshonnimo, dulqaad iyo naxariis. Illaa iyo xalayna waxa baraha bulshada is qabsaday tacsida Marxuum Abdilahi.
Haddaba dad u badan shacabka degaannaa aan kor ku soo sheegnay, oo si aad ah noola soo xidhiidhay, ayaanay suurta gal noo ahayn in aan magacyadooda idiin soo qorro, baddalkeediina waxa aan door bidnay in aan si guud uun sheegno tacsida.
Awdalpress




