Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Siyaasadda degaanka Somalida Ethopia ma waxa ay isugu soo ururtay in shacabka la jaha-wareeriyo.

$
0
0

Awdalpress – London – Maamulka Jig Jiga ee immiga hoggaanka u haya shacabka degaanka Somalida Ethopia, ayaa inta badan shaqo ka dhigtay borobogaanda been ah oo badawnimo, taasi oo shacabka degaankaasi ka dhex abuurtay khilaaf soo kala dhex galay nidaamkoodii wada jirka ahaa.

 

Waxan ognahay in maamulkii hore ee uu madaxa ka ahaa Abdi Omer uu meesha ka baxay, isaguna uu immiga ku jiro gacanta dawladda Ethopia. sida xaqiiqda ahna uu nabad qabo. Laakiin ay jirto dacaayado laga fidinayo, si dadka loo kiciyo.

 

Dhinaca kale waxa maamulka cusubi dabada ka riixayaa, muuqaallo iyo dacaayado fool xun oo aan inta badan macquul ahayn, oo lagu shaabadaynayo maamulkii hore. Dacayaayadahaasi oo run ahaantii muujinaya dhaqan xumo aanay dadka Somaliyeed hiddo iyo dhaqan u lahayn. Hadallada qaarna ay yihiinba kuwo aan afka la soo marin karin. Haddii ay falal bani’aadannimada ka baxsani ka dheceen Jeelalkana laga soo gudbay. Oo weliba dadkii geystay ay qayb ka yihiin kuwa laga fadhiyi la’yahay, ee cajaladaha iyo dacaayadaha ku mashquulsan.

 

Tusaale ahaan waxan ka warqabaa in degmada Awbarre dadkii laga caban jiray, ee dadka dhibay dib loogu soo shaqaaleeyey goobohoodii, oo aan lala xisaabtamin, illaa immigana ay u dhaqmayaan uun sidii hore. Sidaasi daraaddeed, ex-Madaxweyne Abdi Omer oo eeddaasi keligii loo haystaa macno ma samaynayso, haddii aan lala qabanayn dadkii amma madaxdii fulanaysay falalka aan fiicnayn ee laga sheegayo.

 

Kala qaybsanaanta shacabka Somaliyeed ee degaanka Kililka 5aad ayaa iyaduna ah mid ay hoggaaminayaan maamulka Jig Jiga. Sidaasi daraaddeed, weli ma arko sansaan isbeddel oo ka jira degaanka Somalida Ethopia. Isbeddelka ka hana qaaday Ethopia ee xawliga ku socdana kagama qayb geli karaan qaabka ay immiga wax u socdaan.

 

Arrinta aan la yaabay, ayaa iyaduna ah TVga Jig Jiga oo u dhaqmaya sida TVga woqooyiga Koriya ama u eg mid dadka lagu jahawareerinayo. Saxaafadda noocaasi ahina maaha mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee demuqraadiyadda.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images