Awdalpress – London – Khilaafka soo jiitamayey ee u dhexeeya Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Maareeyaha dhismaha Waddooyinku, maaha mid xilligan loo baahan yahay. Waxana ka fiican in ay wada shaqayn fiican yeeshaan, haddii ay mas’uuliyiintu taasi garan waayeenna, waa in sharciga loo noqdaa. Oo weliba Madaxweyne Bihi uu go’aan ka soo saaraa.
Warqadda hoos ku qoran ee markhaatiga ka ah khilaafkaasina, maaha mid loo baahnaa in saxaafadda la hor keeno, waayo waxa ay ceeb iyo bar madaw ku tahay geeddi socodka xukuumadda Mudane Madaxweyne Bihi, oo guntiga u xidhay sidii uu maamulka xukuumaddiisa ugu hagi lahaa tubta toosan.
Sidaasi daraaddeed, waxa ay bulshada reer Somaliland ee horumarka iyo maamulka toosan jeceli ay rajaynayaan in sida ugu dhakhso badan loo soo af-jaro khilaafkan, oo ah mid ka baxsan dhaqanka wanaagsan ee maamul wanaagga xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.


Awdalpress





