Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Cudurro dhowr ah oo ka Dillaacay Qaar ka mid ah Deegaannadii Puntland ee Duufaanta xoogga lihi ay Saameynta ku yeelatay

$
0
0

degaanka PuntlandAwdalpress – Boosaaso – 23/11/13 – Cudur aan ilaa iyo hadda la aqoonsan noociisa ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dillaacay tuulada Tooxin oo hoos tagta degmada Bareeda ee gobolka Gardafuuy oo ku yaalla waqooyi-bari Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Gardafuuy Cali Mire Xuseen, ayaa warbaahinta u sheegay in cudurkaasi uu soo ritey ugu yaraan 50 qof, kuwaas oo isugu jira carruur iyo weliba dad waaweyn.

Isagoo sharraxayey tilmaamaha uu cudurkaasi leeyahay, wuxuu sheegay in marka hore qofka ay xummad (qandho) qabaneyso, saacado kadibna uu sanka dhiig ka imaanayo. Guddoomiyuhu ma sheegin cid weli u geeriyootey cudurkaas, haseyeeshee wuxuu tilmaamay in dadka cudurkaasi uu haleelay qaar badan oo kamid ah ay xaaladoodu halis tahay.

Agaasimaha waaxda caafimaadka aasaasiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, C/risaaq Abshir Xirsi (Garwayne) ayaa sheegay in arrintan aan laga hordhici karin, haseyeeshee ay dhowaan wasaarradu halkaas u diri doonto kooxo caafimaad oo dhakhaatiir iyo kaal-kaaliyeyaal isugu jira.

Dhinaca kale deegaano ka tirsan gobolka Nugaal, halkaas oo ay roobakii duufaanta watey ee todobaad kahor Puntland ka da’ay ay khasaaraha ugu badan ka geysteen, ayaa lagu soo warramayaa inay ka dillaaceen cuduro ay kamid yihiin: shuban-biyood iyo cudurada maqaarka ku dhaca.

Horay ayaa digniin looga soo saaray in ay cudurro ka dillaaci karaan deegaannada miyiga ah ee ay duufaantu saamaysay, maadaama uu halkaas yaal bakhtiga kumannaan neef oo isugu jira Adhi iyo Geel.

Source HOL

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images