Awdalpress – Muqadisho – 23/11/13 – Xildhibaanada Barlamaanka soomaaliya ayaa berri yeelan doona fadhi buuxa oo uu shirgudoomin doono gudoomiyaha Barlamaanka soomaaliya Pro Jawaari. Waxana sida la sheegayo lagu falanqayn doonaa mooshinno loo soo gudbiyey oo laba garab u qaybsan.
Shirka berri ee Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ajandaha uu noqdo mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada Raiisal wasaare Saacid iyo arrin kale oo ku saabsan is qab qabsiga Madaxda xukuummadda ugu sarraysa oo in badan soo laab laabtay.
Kadib marka Mooshinka la dhagaysto ayaa xildhibaannadu waxa ay haystaan muddo shan maalmood ah, si markaasi ay ugu codeeyaan moshinka ama ay diidaan.
xildhibaano ka badan 160 mudane ayaa saxiisay mooshinka kalsoonida lagala noqonayo Xukuumadda Ra’iisul wasaare saacid.
Caawana waxa muqdisho ka socda kulammo gooni gooni ah oo madaxtooyada iyo xafiiska Raiisal wasaaraha midba midka kale uu ku raadsanayo taageerada xildhibaanada barlamaanka.
Waxana cirka isku sii shareeraya khilaafka labada Mas’uul ee kala ah Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha. Labadoodana waxa la kala safan xildhibaanno aad u ad adag.
Wixii ka soo kordha waan idinla socodsiin doonnaa.
Awdalpress.com





