Awdalpress – London – Madaxweyne Muse Bixi ayaa usbuucii innaga tegey illaa immaga socdaal ku kala bixiyey gobollada Saaxil, Togdheer, Oodweyne, Sool iyo Sanaag. Intii uu marayey dhulaasina waxa uu la kulmay soo dhaweyn aan caadi ahay, shacabkii uu la kulmayna waxa ay is weydaarsadeen warbaxinno iyo wada tashi jilbaha la is dhigay.
Socdaalkan ayaa u quus gooyey shakhsiyaadkii borobogaandaha ka waday media ha iyo mucaaridkii la buun buuninayey. Goob wal oo uu tagana waxa uu Madaxweynuhu dhex joogay oo uu dhex lugaynayey shacabka goobahaasi. Sida, Berbera, Burco, Oodweyne, Laascaanood, Ceerigaabo, Gar’adag iyo tuulooyinka kale ee degaannadaasi. Sidoo kale waxa uu degaannada qaar dhagax dhigay mashaari amma kala qayb galay xaflado Jaamacadeed iyo kulammo horumarineed.
Awdalpress





